Afar Waddo Oo Masalaha Ku Yaala Oo La jaray, Dadweyne Cabasho Ka Muujiyey Iyo Dawlada Hoose Oo Cagaf Galisay

0
741

Picture1Hargeysa (Geeska)- Afar Waddo oo ku yaala Xaafada Masalaaha gaar ahaan Masalaha Galbeed ee Degmada Axmed Dhagax, ayaa  la jaray,isla markaana lagu jaray Dhagaxaan, Camuud iyo Seesas, iyada oo  Dadweynaha  degan Xaafadaas ay aad walaac uga muujiyeen, waxayna sheegeen in aanay marnaba raali ka ahayn in Waddooyinkan oo marin  u ah in la jaro, iyaga oo sheegay in dadka jaray Waddooyinkani  ay doonayaan inay Jagooyin uga soo baxaan. Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac, oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in aanu wax Jagooyin ah ku lahayn Xaafadan, balse uu diidayo Dulmiga,Cadaalad darada  iyo Jid gooyada, waxaanu yidhi “Anigu Odey Xaafada ah ayaan ahay, Dhul la igama xidhin,  wax Jago ah oo aan ku leeyahay ma jirto, laakiin waxaana diidanahay Dulmiga, Cadaalad darada iyo Dhibta lagu hayo Dadka, sida Wadooyinkan la jaray oo kale, markii aan halkan soo maray ayaan arkay Afar Waddo oo dadka ka dhexeeya oo Jid gooyo loo galay, lana xidhay, aad ayaan falkan foosha xun uga naxay, waxaana se aan aad u amaanaya uguna mahadnaqaya Maamulka iyo Madaxda Dawladda Hoose Hargeysa, sida masuuliyadu ka muuqato ee ay imika u keenan Cagafta iyo sida ay uga fujiyeen waxyaabihi lagu jaray Waddooyinka”.

Jirde Yuusuf Cabdi oo isagu ka mid ah Odayaasha degan Xaafada Masalaha ee laga xanibay Waddooyinka ayaa yidhi “Waxaan leeyahay Jagadan la dhisayo ee Galbeed ka soo jeeda,Waddadan na hor maraysa Habeen ayaa la xidhay, Golaha Deegaanku wey ogayeen, ilaa labaatan Cisho ayey Waddadana xidhnayd, Labaatanka  Cishaba waxa aanu sugaynay Cagaftii lagu dumin lahaa, ee Wadooyinkan xidhan lagu furi  lahaa, laakiin Imika Cagaftii  lagu furi lahaa ayaa timid, waxaan leenahay sidaas u feejignaada mar kasta”

Guddoomiyaha Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa  Naasir Ibraahim Carte oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in aanay cidna ka yeeli doonin inay Waddo jarto, waxaanu yidhi “Waxaad mooda in Degmada Axmed Dhagax ay ku soo badatay dadka Waddooyinka iska seesaya, aritaasi waa dhaqan xumo u dulqaadan mayno, talaabo cad ayaanu ka qaadaynaa, waanu duminaynaa, arxana u geli mayno, Qofkii talaabadan qaadayna uu xidhan yahay,kuwa kale ee damacu ku jirana sidan oo kale ayaanu ka yeeli doonaa, oo waanu xidho doonaa, Dadweynahana Degmada Axmed Dhagaxna waxa aanu ka codsanaynaa inay Wadooyinka ilaaliyaan, ilaashadana, Waddada carqaladu ku timaadana ee cidi damacdana ay soo ashkateeyaan,maxa yeelay Dawladdu meel walba ma taagna oo Dadka ayaa ka badane, waxaana idinka codsanaynaa inaad warbixinaaha noo keentaan si aanu talaabo u qaadno”. 

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Axmed Dhagax, Axmed Maxamed Ibraahim oo isna halkaas ka hadlay ayaa Bulshada kula taliyey inay aad iska ilaaliyaan wax aanay xaq u lahayn, waxaanu tilmaamay qiimaha uu leeyahay qofka wax ku tara Jidka ama Waddada iyo dhibaatada uu leeyahay qofka waxyeelo u geeysta Waddooyinka, isaga oo sheegay in aanay cid gaar ahi leeyahayn Wadooyinka ee  dadka oo dhami ay wada leeyhiin.