Culimo Caafimaad Oo Ku Taliyey In Qofku Uu Maalin Kasta Xuno Kiniinka Faytamiin Ka

0
1957

London (Geeska)- Cilmibaadhayaal ku xeeldheer caafimaadka ayaa ay u suurtogashay in ay xaddidaan Faytamiinnada ay qasabka tahay in qofku uu cuno, si ay xoojiyaan jidhkiisa, caafimaadkiisana wanaagga ugu ilaaliyaan, iyo si uu u dareemo niyadsamaan iyo xasiloni nafsaani ah.

Daraasaddan oo natiijadeedu ku soo beegantay xilli saynisyahannada dunidu u qaybsan yihiin kuwo aad u diiddan in Faytamiinnada la cuno xilliga aanay xaalad caafimaad oo xumi jirin iyo kowo kale iyagu taageersan in la cuno, ayaa khubaro Ingiriis ah oo ka tirsany Laanta caafimaadka qaranka ee dalka Ingiriisku waxa ay ogaadeen in sida ugu fiicani ay tahay in dadka oo dhami ay caadaystaan cunista Faytamiin D ga maalin kasta, gaar ahaan xilliga jiilaalka, maadaama oo xilligan ay yar tahay in jidhku uu helo qorrax ku filan, ama dalal dunida ka mid ah aanu qofku qorraxba helin. Khubaradu waxa ay sheegeen in dadka oo qorrax jidhkoodu waayo xilliga jiilaalka ay ku keenayso in jidhkiisu aanu helin Faytamiin D ku filan, cuntada uu cunayaana kelideed aanay ku filnayn in ay jidhka siiso heerka Faytamiin ee uu u baahan yahay, iyada oo aan lagu kabin dawo Faytamiin D ah.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in dawada Faytamiinka ahi uu yahay kan keliya ee awaooda in uu jidhka qofka dhex galo, isla markaana buuxiyo dhibaatada Faytamiin D la’aanta iyo beedka, hilibka xoolaha iyo cuntooyinka kale ee qofku maalin kasta u baahan yahay.

Wargeyska Daily Mirror oo baahiyey natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa dhakhaatiirta ka soo xigatay in ay yidhaahdeen in qofka jidhkiisu u baahan yahay xaddi Faytamiin D, uu ka heli karo subaxa kalluunka noocyadiisa Soloman iyo Tuna, taas oo waxa keliya ee halkooda geli kartaa ay tahay in qofku uu cuno 10 xabbo oo beed.

Dhibaatada ka dhalata Faytamiin D oo jidhka ku yaraada

Faytamiin D oo jidhka ku yaraadaa waxa ay keeni kartaa wadne xanuun kedis ah, iyo suurtogalnimada in ay ku dhacaan xanuunnada ay ka mid yihiin kansarka noocyadiisa ku dhaca Midhicirta, iyo naaska, waxa kale oo ay kordhisaa khatarta ah in qofka ay ku dhacaan macaanka iyo xididdada dhiigga oo adkaada. Barafasoor Susan Lanham oo bare-sare ka ah jaamacadda Siri ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in qof kasta ay u fican tahay in uu subax kasta cuno xabbad Faytamiin D ah, kaas oo ka ilaalin doona xaunuunnnadii ka dhasha Faytamiin yaraanta. “Faytamiin D aad iyo aad ayaa uu muhiim u yahay.

Waxaa hore loo aaminsaaa in qorraxdu ay si dabiici ah qofka ugu filan tahay in uu jidhku ka helo Faytamiin D-ga uu u baahan yahay. Laakiin sida ay daraasaddani sheegtay in jidhku uu qorrax ku filan helaa waa ay adagtay oo waa jilaal xilliga kulaylka labadaba”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here