Maxaa Sababay Hoos Dhaca Maamul Ee Ku Yimid Madaarka Hargeisa? Tallooyinkan Qaado Madaxweyne

0
1868

Cabdillaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland 

Hay’adda Duulista iyo Madaarada somaliland, waxay u taagan tahay horuumarinta madaarada somaliland, hirgelinta himilooyin lagu soo jiidanayo duulimaadyo caalami ah, {International Carrier}, soo jiidashada in ay madaarada somaliland helaandad gaar ahaana madaar Hargeisa, hirgelinta siyaasad cad oo lagula tartamayo hay’adaha Duulista ee wadamada aan jaarka nahay, soo celinta maamulka hawada, hirgelinta nidaamka ka dhigaya madaarada dalka in ay noqdaan muraayad laga dheexan karo horuumarka dalka, gaar ahaana madaarka ugu wayn ee caasimada.

Muddo ahaatan laga joogo sanad ayaa madaxweynaha somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi, uu wareegto madaxweyne ku aas-aasay hay’ada Duulista iyo Madaarada somaliland {Civil Aviation and Airports Authority}, iyada oo aas-aaska hay’adan looga jeeday kor u qaadistay hanaanka maamul ee madaarada dalka iyo in lala dartamo madaarada kale ee ku yaalla geeska afrika.

Hadaba tan iyo markii madaxweynaha somaliland, uu sameeyey hay’ada Duulista iyo Madaarada somaliland, lana baa’biiyey wasaaradii Duulista, waxaa muuqatey in aanu jirin wax haruumar ah oo ay sameeyeen dadkii loo xulay in ay maamulaan hay’ada Duulista.

Maxaa Keenay Hoos Dhaca Maamul Ee Madaarka Hargeisa?

Waxyaabaha sababay hoos u dhaca ku yimid Madaarka Hargeisa, oo ah ka keliya ah ee waqtigan furan ama shaqeeya, waxaa jira arrimo badan oo sabab u ah hoos dhaca madaarka Egal International Airport.

Gebi-ahaanba waxaa la joojiyey isu socodkii madaarka Hargeisa lafdhabarka u ahaa ama uu ku xidhnaa oo ahaa madaarka Muqdisho iyo madaarada Putland, waxaana la adkeeyey qaabkii isu socodka waxaana qofkasta lagu xidhay passport, halkii markii hore qofka aan passaborka haysan la siin jirey warqad odhanaysaa iska tag {Go Home}. Taasi waxay keentay in dhaqaalihii badnaa  ee ka soo bixi jirey madaarka uu yaraado, dadkii badnaa ee madaarka camiri jireyna ay yaraadaan, ka dibna uu yimaado hoos dhac dhaqaale iyo mid maamul labaduba.

Waxaa iyana meesha ka baxday diyaaradihii wadinaga ahaa, oo qayb wayn ka ahaa horuumarka madaarada Somaliland, dhaqaalaha madaarka iyo guud ahaanba sumcada Somaliland kor u qaaday tan iyo intii aan la soo noqonay madax banaanida.

Guud ahaan baa diyaaradihii waaweynaa sida Daallo Airlines, Juba Airways, ocean Airlines iyo diyaaradihii qaadi jirey alaabta {Cargo flights}, waxay u wareegeen magaaloyinka Muqdisho, Garoowe, Boosaaso iyo Nayroobi, kenya, waxaana sababay in ay guuraan markii waxyaabo badan lagu adkeeyey oo ay ka mid tahay duulimaadyadii ay isaga gooshi jireen Somaliya iyo Somaliland, Kenya, Somaliland iyo Somaliya.

Waxaa keenay hoos dhaca madaarka markii shaqada laga eryey dad badan oo aqoon lahaa, kana mid ahaa baalashii ay hay’addu ku duulaysey, taasoo keentay in aanay waqtigan hay’ada Duulista joogin dad aqoon leh oo keeni kara waxyaabo cusub, halka shaqaalihii reer somaliland ee ka shaqaysanayey Nayroobi, Kenya, loo raray ama laga hawl geliyey Muqdisho, taasoo hay’ada ICAO ay halkaa geysey.

Waxaa kale oo sababay hoos dhaca madaarka Hargeisa, markii  madaarkii Garoowe uu jaanis badan helay cambirnayna, tusaale ahaan dhamaan dadka tegaya soomaliya, sida Muqdisho, ee somaliland ka tegayaa waxay raacaan baabuur, waxayna diyaarada ka raacaan Garoowe, halka markay somaliland imanayaana ay Garoowe ka soo degaan.

Sidoo kale waxaa saamayn ku yeeshay madaarka Hargeisa, ka dib markii hay’adda ICAO ay wax yaabo badan u fududaysay wasaarada Duulista Soomaliya iyo madaarka Muqdisho oo waqtigan ah mid aad u camiran, maalin kastana diyaarado caalami ah oo cusubi ay duulimaadyo ka bilaabaan, halka madaarka Hargeisa uu sidaa ahaan jirey hada ka hor.

Tallo Ku Socota Madaxweynaha

Mudane, madaxweyne waa in aad ogsoonaataa in Madaarada dalku ay yihiin waxaa ugu muhiimsan ee laga dheehan karo qaranimada Somaliland, sidaa darted waa in aad dib u eegtaa hay’ada Duulista, aadna soo celisaa sumcadii uu lahaa madaarka Hargeisa iyo guud ahaanba hay’ada Duulista.

Madaxweyne waxaa lagu tartamaa maanta waa dad {Population}, waa in aad soo celisaa isu socodkii wadamada jaarka adiga oo amaankaana ilaashanaya, waa in la dhiiri geliyo diyaaradaha wadaniga ah, waa in la tayeeyaa shaqaalaha Duulista, waana in loo sameeyaa hay’ada Duulista maamul adag oo dhisa hay’ad Duuliseed oo awood badan, kuna xidhan wadamada jaarkeena.

Madaxweyne waa in la soo celiyo xidhiidhkii iyo taageeradii ay dowlada Ingiriisku siin jirtey hay’ada Duulista, iyaga oo dhinacyo badan ka taageeri jirey waqtigii xukuumaddii hore.

Madaxweyne waa in dib loo dhiso madaarada kale ee dalka oo laga shaqaysiiyo, halka maanta madaar keli ahi uu inoo shaqaynayo, halka wadanka soomaliya ee tartanku ina ka dhexeeyo gobolkasta uu madaarkiisu shaqaynayo.

Madaxweyne waa in la helo qaabkii aan u soo jiidan lahayn diyaarado kale oo caalami ah, sida Kenyan Airways iyo Qadar airways oo waqtigan duulimaadyo ka bilaabaya Muqdisho.

Madaxweyne waa in la helo qaabkii lagu dhisi lahaaTerminal Casri  oo aynu kula tartaano wadamada jaarka ah, waayo maanta ma haysona Terminal, keliya waxaa inoo dhisan dhismayaal aan ka duwanayn qaab guryaha loo dhiso, ta keli ah ee madaarka Hargeisa uu kala dartami karo madaarada kale waa Terminal casri ah, si madaarkeenu u noqdo mid caalami ah.

Cabdillaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here