Cawil Oo Beeniyay Inay Isaga Iyo Warancade Ku Biireen Urur Siyaasadeedka Wadani

3
485

 

cawilHargeysa(Geeska)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa beeniyay warar ay warbaahinta qaarkeed baahiyeen oo sheegaya inay isaga iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Warancade ay ku biirayaan ururka siyaasiga ah ee Wadani, ka dib markii ay beeshoodu culays saartay.

 

Wararkaas oo habeen hore si weyn u soo galay suuqyada ayaa waxay sheegayeen inay Cawil iyo Warancade isla qaateen go’aankaas ah inay ku biiraan ururka Wadani ee uu hoggaamiyo guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Hase yeeshe Cawil Cali Ducaale, oo shalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu wararkaas ku tilmaamay kuwo dacaayad ah. “Wararkaas ay warbaahintu qortay ee ah in aniga iyo Cali Warancade aanu ku biirnay Wadani, waa kuwo aanay waxba ka jirin.” Ayuu yidhi Cawil, waxaanu intaas raaciyay, “UDUB ayaanu nahay oo dhisaynaa oo soo xoojinaynaa, murashixiintii Hargeysana maanta [Shalay] ayaanu soo bandhignay, gobalada iyo degmooyinkana sidaas oo kale ayaanu kuwana ugu soo bandhignay kuwo hadhayna u soo bandhigaynaa. Markaas wararkaas waxba kama jiraan waana dacaayad, warbaahintana waxaan u soo jeedinaynaa inay wararka noocaas ah iska hubsadaan inta aanay baahin.”

Ugu dambayn wuxuu Cawil sheegay inay qorshaynayaan sidii uu xisbiga UDUB mar kale uga mid noqon lahaa saddexda xisbi qaran ee ka soo dhex bixi doona ururada siyaasadeed ee tobanka kor u dhaafay oo si weyn ugu loolamaya codka shacabka.

Comments are closed.