Cudurro Dunida Mahlakeeyey Qarnigan Kow iyo Labaatanaad Iyo Caabuqyo Caan Noqday

0
771

Cudurka iyo caafimaadku waa nimco iyo imtixaan is garab socday tan iyo bilowgii noolaha, waxa aanu Alle mid kasta ka leeyahay xikmado aan la soo koobi karin. Cudur kasta oo dunida ka yimaaddana Alle waxa uu soo raaciyaa dawadiisa, xitaa haddii aadamaha muddo lagu imtixaano in aanay dawada helin, haddana xaqiiqadu waa in dawadiisu ay jirto ama la abuurantay sida ku cad shareecada Islaamka.

Waqti kasta oo yimaadda cudurro aan hore loo aqoon ayaa soo kordha, waana ay dhacdaa in kuwo hore u soo jiray ay dabar go’aan ama dawo si sahal ah ula dagaallanta loo helo oo dhibta ay aadamaha ku hayaan aad u yaraato.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda caanka ah ee Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah cudurrada aan hore u jirin ama aad u yaraa ama muddo hore inta ya dabar go’een soo laba-kacleeyey ee dunida lagu arkay intii aynu ku jirnay Qarnigan weli bilowga ah ee 21aad.

Cudurradan oo qaarkood ay galaafteen nolosha kumannaan dad ah ayaa ku dhacay dalal kala duwan, laakiin aynu si gaar ah u soo qaadannay kuwa warwarka ku abuuray dalalka ka baxsan dalka ay ka dillaaceen, kadib markii la arkay in ay si xawli ah oo sahlan u fidi karaan.

1. Xanuunka Neefsiga ee Bariga dhexe/Sucuudiga:

Xanuunkan waxaa afka qalaad lagu yidhaahdo, Middle East respiratory Syndrome, waxa loo yaqaannaa magacyo kala duwan, laakiin qolyaha cilmiga caafimaadkuna waxa ay u soo gaabsadaan MERS-CoV. Waxaana dhaliya Fayras lagu magacaabo Corona.  Sannadkii 2012ka ayaa uu ka dillaacay dalka Sucuudiga, waxaana helay Maxamed Cali Zakariya oo ah dhakhtar Masaari ah baadhitaan ku sameeyey ruux bukaankiisa ka mid ahaa oo neeftu haysay, kelyuhuna shaqada gabeen. Calaamadaha lagu gartana waxaa ka mid ah, xummad, qufac, naqadka oo qofka qabta, waxa kale oo uu caabuq ku abuuri karaa sambabada. Sida ay haayadda caafimaadka adduunku sheegtayna dadka uu ku dhacay boqolkiiba 36 waa ay u dhinteen.

In kasta oo ay xaaladaha cudurkan ee illaa hadda la arkay ay ahaayeen kuwo ay dadku kala qaadeen, haddana waxa ay WHO sheegtay in geelu uu yahay xarunta rasmiga ah ee fayraskan marti gelisa. Laakiin cilmi ahaan lama oga sida uu geelu dadka ugu soo gudbin karo.

Cudurkan inta la og yahay waxaa uu ku dhacay 1’633 ruux, waxaana u dhntay 587. Dadka uu ku dhacay iyo kuwa u dhintay badankoodu waxa ay ahaayeen Sucuudiga oo ah halka cudurkaas bilowgiisii ka dillaacay, illaa haddana cudurku waa uu jiraa.

2. Xanuunka neefsiga ee saf-marka ah:

SARS oo uu dhaliyo isla Fayraska cudurka aynu kor ku soo xusnay ka dhasho ee Corona waxa uu isna abbaaraa hab-dhiska neefsiga.

SARS sannadkii 2003da ayaa uu dillaacay waxa aanu ka bilowday qaaradda Eeshiya, in kasta oo meelo kale oo dunida ahna lagu arkay, sida Maraykanka, Filibiin, Hong Kong iyo dalka Kanada.

SARAS inta la og yahay waxa uu ku dhacay 8096 ruux, waxaana u dhintay 774.

Hargabka Shimbiraha:

Cudurkan oo loo soo gaabsado (AI) waxaa dhaliya Fayras caabuq dhaliya oo ku dhaca baalleyda (Shimbiraha, digaaga iwm) waxaana afka cilmiga lagu yidhaahdaa (H5N1).

Hargab shimbireedku waxa uu dadka ku keenaa caabuq khatar ah, waxa aanu inta badan ka dillaacaa xeryaha digaagga lagu dhaqo, dadka ugu badan ee uu ku dhacayna waxa ay ahaayeen kuwo si toos ah ama si dadban xidhiidh ula lahaa dad cudurkan qaba ama shimbiro u dhintay cudurkan. Sida ay haayadda caafimaadka adduunku sheegtayna cilmi ahaan ma jiro wax caddaynaya in cuntada si fiican loo kariyo uu ku gudbi karo. Sida ugu fiican ee faafitaankiisa loo yarayn karaana waa in laga ilaaliyo xayawaanka si loo dhimo khatarta u gudbista aadamaha.

Cudurkani waxa uu dillaacay sannadihii 2003dii illaa 2015kii, inta la og yaha ywaxa uu ku hdacay 846, waxa aana u dhintay 449 qof. La soco…