Cudurka Qaaxda Oo Noqday Sababta 1 aad Ee Loogu Dhinto Dunidda, AIDS Kana Kaalinta Koowaad Ka Qaaday

0
601

London (Geeska)- Warbixin ay soo saartay haayadda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka ayaa shaaca ka qaaddayin markii ugu horreysay ay dunidu gaadhay heer cudurka Qaaxadu (TB) uu kaalinta koowaad ee sababidda dhimashada ka riixdo cudurka aan dawada lahayn ee AIDS ka.

Warbixintan oo soo baxday arbacadii toddobaadkii hore ee 28kii Oktoobar ayaa lagu sheegay in sannadkii hore ee 2014kii ay cudurka Qaaxda dunidaoo dhan ugu dhinteen Hal Milyan iyo boqol kun oo qof (1.1 Milyan) halka ay cudurka AIDS kana u dhinteen Hal Milyan iyo Laba boqol oo kun (1.2 Milyan) oo ruux, kuwaas oo ay ku jireen Afar boqol oo kun oo iyagu labadan xanuunba wada qabay.

Agaasimaha barnaamijka la dagaallanka Qaaxada ee haayadda caafimaadka adduunka Mario Raviglione ayaa sheegay in warbixintani ay muujinayso guusha la taaban karo, ee laga gaadhay daweynta cudurka AIDS ka, gaar ahaan tobanki isano ee u dambeeyey oo faafitaanka cudurkan aad loo xakameeyey”

Mario Raviglione oo iftiiminayey sababta AIDS ka wax ka qabashadiisu ay uga badisay wax ka qabashada Qaaxada, ayaa sheegay in miisaaniyadda dunidu ay ku bixiso la dagaallanka AIDS ku ay toban laab ka badan tahay miisaaniyadda lagu bixiyo la dagaallanka Qaaxda. Siddeed Milyan oo doolar ayaa dunida maantu ay ku bixisaa daweynta AIDS ka, halka daweynta Qaaxadana ay ku bixiso Siddeed boqol oo kun oo doolar oo keliya, waxa aanu ku taliyey in la gaadhay waqtigii la kordhin lahaa kharashka loo qoondeeyo la dagaallanka Qaaxada. Arrintaas ayaana keentay in AIDS ku uu hoos u dhaco oo ay gaadho heer dadka dunida maanta ugu dhinta cudurkani ay ka yar yihiin dadka u dhinta cudurka Qaaxada.