Cudur-Daarrada Yaabka Leh Ee Aynu Mararka Qaar Ku Sababayno Ka Maqnaanshiyaheenna Shaqada (Q:2)

0
686

London (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaasha kula wadaagayey qormadan soo bandhigaysa qaar ka mid ah cudur-daarrada yaabka leh ee dadka qaar ay ku sababeeyaan ka maqnaanshiyahooda shaqada. Wargeyska qormadan oo uu Afsoomaali u rogay waxa uu ka soo xigtay BBC qaybteeda Carabiga.

2. Waa aan foolanayaa: Marar badan waxaa dhacda in shaqaalaha daacadda ah qaarkood ay ku guuldarraystaan in ay shaqadooda ka dhigaan mid nidaamsan, oo kala mudnaan iyo bilow iyo dhammaad kala leh, ceebtaasi waxa ay si aad ah u soo baxdaa xilliyada ay xaaladda degdegga ahi jirto, waayo markaas ayaa la arkaa khalkhal iyo xitaa qofkii oo inta uu isku dhex data.

Haweenay lagu magacaabo Maria Zalov oo ka mid ahayd dadka barnaamijkan wax lagu weydiiyey ayaa ka sheekaysay qiso aad u xiise badan oo soo martay maalin iyada oo shaqaynaysa ay fooli qabatay. Si kedis ah ayaa waxaa isugu soo beegmay dhicitaanka talefanka iyo nabar fooleed xanuun badan oo qabtay, iyada oo aan is ogeyn ayaa inta ay talefankii si degdeg ah u qabatay waxa ay qofkii la soo hadlayey ku tidhi, “Waa aan ka xumahay, ballan kale ayaa aanu talefankaaga u samayn doonnaa, hadda waxaa i haysa fooshii”

Inkasta oo ay Salov ogeyd in sidkeedii go’ay oo saacad kasta ay fool filan karaysay, isla markaana uu goorahaba nabar hayey, haddana waxa ay istustay in ay fiican tahay in talefankaas ay si degdeg ah uga jawaabto, laakiin nabarkii ayaa ka itaal badiyey. Iyaa oo ku kaftamaysa khalkhalka maalintaas ku dhacayna waxa ay tidhi, “Qofkii ila soo hadlayey ayaa in aan foolanayo oo ilmihiiba taagan yahay ka hor ogaaday saygayga, dhakhtarkii iyo xitaa hooyaday”

Jawaab celin aan caadi ahayn: John McKesson oo ka shaqeeya xafiiska mashaariicda ee gobolka New Jersey ayaa isna degelkan aynu soo xiganahayno ku qoray qiso uu goobjoog u ahaa oo ka dhacday goob shaqo. Waxa uu sheegay in laba dumar ah oo hal xafiis uu ka dhexeeyey ay marar badan dhinaca wada shaqaynta iyo xidhiidhka isku seegeen, taas oo aakhirkii keentay in midkood inta ay aad u cadhootay ay miiskeedii jiidatay oo ay dhigatay bannaanka xafiiska meel marin yar ahayd kadibna halkaas fadhiisatay oo shaqadeedii ka sii wadatay.

McKesson waxa uu sheegay in maamulihii shirkaddu uu gabadhan u yeedhay si uu uga waraystay waxa dhacay ugana digo in ficilkaasi aanu anshaxa shaqada waafaqsanayn, laakiin arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in gabadhan cadhootay markii ay ka soo noqotay maamulaha aanay dib ugu guurin xafiiskeedii balse ay isla halkii hore ee miisku u yaallay soo fadhiisatay shaqadeediina sii wadatay iyada oo diiddan in ay gabadhaas ay xurgufto dhex martay qol wadaagaan. Muddo afar toddobaad ah ayaanay halkii ku shaqaynaysay illaa arrintii la soo dhex galay oo si fiican loo xalliyey.