Coronavirus: Shabeelkii Dad Qaadka Ahaa Oo Isu Rogay Bisad Rabaayad Ah

0
559

Tan iyo bishii Diisambar ee sannadkii 2019 ka waxaa adduunyada mashquuliyey fahamka iyo xal u raadinta Fayraska Koroona, oo weli ay socdaan cilmibaadhisaha dawadiisa lagu raadinayaa. Tobannaan kun oo ruux ayaa u dhintay, waxaana u jiifsaday boqollaal kun oo qaarkood xaaladdoodu cuslaatay. Laakiin toddobaadadii u dambeeyey waxaa hoos u dhacayey khatarta xanuunka, gaar ahaan marka la is barbar dhigo tirada dadka uuku dhacayey ee ka bogsanaya oo aad u korodhay.

Matteo Bassetti oo ah bare-sare oo xanuunnada caabuqa ah ka dhiga jaamacada Genoa ee dalka Talyaaniga ayaa wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska u sheegay in bishii hore ee Meey ay hoos u dhacday khatartii Fayraska Koroona, tirada bukaanka ka bogsanayaana ay aad u korodhay.

Dr. Matteo oo sii faahfaahinayey waxa uu sheegay in inta badan ee dadkii bilihii Maarso iyo Abriil xanuunkan u galay xaaladda degdegga ahi ay qabeen neef-qabatoow aad u daran iyo xubno jidhka ka mid ah oo shaqada gabay (Sida Kelyaha), dadkaas oo badankoodu ay geeriyoodeen ayaamihii ugu horreeyey ee xanuunku ku dhacayba. Laakiin xaaladaha caynkaas ahi ay meesha ka baxeen bishii Meey. Dr. Matteo oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Bilahaas aynu soo sheegnay Fayraskani waxa uu ahaa shabeel dadqaad ah, laakiin maanta waxa uu noqday sida bisad rabbaayad ah”

Matteo waxa kale oo uu sheegay in xitaa bukaanka gaboobay ee da’doodu u dhexeyso 80 illaa 90 sano ee uu xanuunkani ku dhacayo maanta in xaaladdoodu aanay xumayn, si caadi ahna u neefsanayaan iyaga oo aan u baahan qalabka neefsiga caawiya, halka ay hore ka dhici jirtay in laba ama saddex maalmood gudahood u dhintaan xanuunka.

Tallaal ma loo baahan yahay?

Matteo oo u dhashay dalka Talyaanigu waxa uu sheegay in hoos u dhaca tirada dadka uu ku dhacayo xanuunku ay muujinayso in aan baahi weyn loo qabin in xanuunkan tallaal loo helo, isaga oo arrintaas ka sii hadlayana waxa uu yidhi, “Waxa ay u dhowdahay in Fayraskani aanu weligii dib u soo noqon, waxaana suurtagal ahba in uu iskii isaga dhinto” Inkasta oo uu sheegay in aragtidan aanu ku sababaynayn natiijo ka soo baxday shaybaadh oo la hubo, balse uu ka eegayo keliya waayoaragnimada uu ka helay la falgalka iyo galaangalka gaarka ah ee uu u yeeshay bukaanka COVID-19 iyo dhakhaatiirta xaaladahan gacanta ku haya oo uu la sheekaystay.

Aragti kale

Si kastaba ha ahaato ee aragtida Matteo waxaa ka hor yimi xeeldheereyaal badan oo uu ka mid yahay Bare-sare Bharat Bhankhania oo ka tirsan jaamacadda Exeter ee dalka Ingiriiska, kaas oo aragti weyd ah ku tilmaamay fikirka sheegaya in uu ‘Coronavirus’ iskii isaga tirtirmi doono mustaqbalka dhow.