Cabdillaahi-dheere Oo Ka Hadlay Doodda U Dhaxaysa Somaliland Iyo Soomaaliya

0
598

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi-dheere) oo Xukuumaddii Madaxweyne Axmed-Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Waxbarashada, isla-markaana soo noqday Xoghayaha Golaha Guurtida, ayaa sheegay inay Somaliland mar kasta ku doodayso qodobbo sharci, halka uu tilmaamay inay Soomaaliyana waddo canaadnimo aan ka soconayn.

Siyaasi Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi-dheere), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Somaliland waa dal jira oo aan cidna laga baryeyn, Somaliland waa dal sharciya oo ka tirsan Caalamka, oo aan ka mid ahayn Soomaaliya, wax qarsoona maaha inay Somaliland jirtay ka hor Soomaaliya oo waliba madax banaanida ka hor qaadatay.”

Cabdilllaahi-dheere waxa kale oo uu sheegay “Somaliland qodobbo sharciya ayay mar kasta ku doodaysaa, halka ay Soomaaliya caanadnimo aan ka socoyn la soo taagan tahay. Haddii Soomaaliya ay hayso qodobbo sharciyan Somaliland ku sheeganayso ha keento miiska wada-hadallada oo Adduunka ha ku qanciso inay Somaliland xukunto, taasina wax haba yaraate suurtagal ah maaha, oo cid walba way og tahay inay Somaliland iyo Soomaaliya aanay isku dal ahayn, walibana Madaxweynaha Somaliland ayaa si faah-faahsan wax walba u sharraxay, waxaanu si cad u sheegay in aanay Somaliland sinaba Soomaaliya uga mid ahaan karin”.

Dhanka kale, wuxuu xusay in Doorasho ay Soomaaliya wadoo aanay sinaba uga dhici karin deeganada kala duwan ee Somaliland.