Coronavirus: 7 Qalad Oo Ay Gashay Hay’adda Caafimaadka Adduunka Ee WHO (1)

0
904

Madaxweynaha Maraykanka ayaa maalmihii u dambeeyey eedo kulul u jeediyey hay’adda caafimaadka adduunka oo uu sheegay in xaaladda Coronavirus ay ugu eexatay dalka Shiina. Waxa anau ku hanjabay in uu joojinayo maalgelinta uu dalkiisu siin jiray hay’addan oo ka badan boqolkiiba 25 lacagta ay hay’addu sannadkii isticmaasho.

Eedahaas oo qaarkood la siyaasadeeyey, kuwo kalana ay dad badani qaab cunsuriyadaysan uga hadleen, iyaga oo u gol leh in madaxa hay’adda ee waqtigani uu yahay Tedros Adhanom oo u dhashay dalka Itoobiya, horena uga wasiirka arrimaha dibadda.

Inkasta oo eedaha uu Trump hay’adda u jeedinayo marar kala duwan lagu tilmaamay kuwo uu doonayo in uu indhaha muwaadiniinta kaga jeediyo fashilaaddiisa wax ka qabashada xanuunka, oo dalka Maraykanka ka dhigay dalka adduunka oo dhan ugu badan, dhanka tirada dadka uu ku dhacaayo Coronavirus.

Marka laga tago eedaha shakhsi weerarka iyo cunsuriyadda ah ee lagu hayo agaasimaha WHO, iyo kuwa ujeedada siyaasadeed leh ee Trump, waxaa jira gefaf tiro badan oo muddooyinkii u dambeeyey hay’addan loogu jeedinayey qaabka ay ku waajahday xanuunka COVID-19.

Dalal badan oo India, Japan iyo Taiwan oo aan Qaramada midoobey ka tirsanayni ka mid yihiin iyo dadka arrimaha caafimaadka ka shaqeeya iyo weliba warbaahin kala duwan oo caalami ah ayaa ka mid ah dhinacada eedaha kulul u jeediyey WHO. Waxa kale oo ku jira hay’ado aan dawli ahayn oo wada olole ballaadhan oo hay’adda ka dhan ah.

Dalka Japan oo ka mid ah dalalka qaadhaanka ugu badan ka bixiya kharashka ay ku shaqayso WHO, ayaa raysalwasaare ku xigeenku uu hay’addan ku eedeeyey in sababta faafista xanuunka halkaas gaadhsiisay ay tahay hay’adda WHO oo u madax buuxisay dalka Shiinaha. “Ha laga beddelo magaca Hay’adda caafimaadka adduunka, oo loo bixiyo hay’adda caafimaadka Shiinaha” ayaa uu yidhi raysalwasaare ku xigeenka Japan Taro Aso oo hadal u jeedinayey golaha wakiillada ee dalkiisa. Waxa aanu taageeray saxeexyo la ururinayo oo la doonayo in agaasimaha hay’adda Tedros Adhanom lagu qasbo in uu is casilo.

Haddaba qaladaadka ay hay’adda WHO gashay muddadii xanuunka COVID-19 jiray, oo qaarkood la shegayo in niyadwanaag sababtiisu ahayd, waxaa ka mid ah:

  1. U madax buuxinta Shiinaha

Tan iyo bilowgii uu xanuunkani soo baxay waxa ay hay’adda WHO ku celcelinaysay ammaanta habka uu dalka Shiinuhu uga jawaabay faafista xanuunka COVID-19, waxa aanay ku fashilantay in ay sheegto dhinaca taban ee jawaabtaas China ka bixiyey xanuunka.  Dad badan ayaa aaminsan in ammaantaasi ay Shiinaha u suurtagelisay in uu ku faano guul uu ku gaadhay joojinta xanuunkan, iyada oo uu weli xanuunku ka jiro dalkiisa.

Dr. Vishal Dave oo ka tirsanaa jaamacadda New Delhi, kuna xeeldheer hay’adaha qaramada kala duwani wadaagaan, ayaa waraysi uu bishii Feebarwer ee 2020 ka siiyey wargeyska Sunday Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska waxa uu WHO ku eedeeyey in ay sideeda u wada qaadanayso xog kasta oo ay ka hesho WHO iyada oo aan naqdiyin. Maadaama oo uu xanuunkani ka bilowday Shiina waxaa dawladda dalakaas waajib ku ah in ay kaalin xuddun ah ka qaadato xog ururinta xanuunkan, iyo in ay culimada Sayniska ee adduunka oo dhan uga jawaabto su’aalaha ay ka qabaan xanuunkan.

Warbixinno kala gaar-gaar ah oo ay qoreen wargeysyada Washington Post, New York times iyo South China Morning Post ayaa dhammaantood dalka Shiinaha ku dhaliilaya in uu si ula kac ah tashuush ugu furay xogaha laga helayey xanuunka Covid-19.

Tashuushkaas iyo marin habaabin ay China samaysay ayaa ay dhinacyadani ku doodayaan in ay sababtay in hay’adda WHO iyo Saynisyahannada adduunka oo dhami fahmi waayaan ama xog ku filan ka waayaan xanuunkan, gaar ahaan xaaladaha culus ee uu keeni karo. Waxaana WHO lagu dhaliilayaa in ay xogta China ku kaaftoontay oo aanay ku dadaalin in ay xogo kale oo garab socda hesho. Iyada oo weliba dawladda dalkaas ku ammaanaysay dadaalka ay kula tacaalayso xanuunka.

  1. Xogyaraanta bilowgii dhacday

Inkasta oo masuuliyadda xog yaraanta bilowgii dhacday ay leedahay dawladda dalka Shiinuhu, haddana dalal reer galbeedka u badani waxa ay ku doodayaan in hay’adda caafimaadka adduunku ay eedda la leedahay, maadaama oo ay isu dhiibtay xogtaas. Waxa aanay ku doodayaan in canaan ka timaadda WHO ama xitaa cadaadis ay hay’addu saarto ay keeni kari lahayd in uu Shiinuhu goor hore sheego faahfaahinaha muhiimka ah ee xanuunkan looga baahnaa.

  1. Xanuunka dadku isma qaadsiiyaan

Hay’adda Caafimaadka adduunka ayaa 14-kii bishii Jeenaweri ku dhawaaqday in natiijada hordhaca ah ee baadhitaananda ay dawladda Shiinuhu ku samaysay Fayraska ‘Corona’ aanay muujinayn wax caddaynaya in xanuunkan ay dadku isu gudbin karaan. Hadalkan ka soo yeedhay hay’adda caafimaadka adduunka ayaa ahaa mid ay ugu marag kacday hadal la mid ah oo ay horteed yidhaahdeen masuuliyiinta dalka Shiinuhu.

WHO gef weyn ayaa ay ku ahayd in ay sidaa fudud natiijadaas u qaadato, waxa aanay ka marag tahay sida ay hay’addu mar kasta arrinta CORONAVIRUS ugu daba fadhiday dalka Shiinaha iyada oo aan wax hubin iyo baadhitaanno madax bannaan samaynin, waana arrinta hadda ay dhaliisha badan ku kasbatay.

  1. Waxa ay la daahday ku dhawaaqista marxaladda ‘Pandemic’

Sida caadiga ah xanuunnada dillaacaa waxa ay adduunka ugu kala calaamadsan yihiin heerar kala duwan. Qaabka khubarada iyo dawladuhu ugu diyaargaaroobayaan la dagaalankeeduna waxa ay ku xidhantahay hadba heerka xanuunku marayo.

WHO ayaa u xilsaaran in ay daraasayso heerarka xanuunku marayo, kuna dhawaaqdo hadba marxaladda lagu jiro. Waxa ay noqon kartaa in uu yahay xanuun ku eeg dad ama dal gaar ah, waxa uu sida oo kale noqon karaa xanuun dad badan ku faafaya, xaaladda ugu daran ee uu gaadhaana waa in uu noqdo ‘Pendemic’ oo ah in uu noqdo xanuun si xawaare ah dalal iyo qaarado kala duwan ugu faafaya.

Coronavirus waxaa loo aqoonsanyahay in uu yahay marxaladdaas dambe oo ay WHO ku dhawaaqday. Waxa se lagu dhaliilayaa hay’addu in ay la dib dhacday in xanuunka ay marxaladdan u aqoonsato. Muddo saddex bilood ku dhow ayaa ay WHO ku qaadatay in ay ay dareento in faafitaanka Fayrasku ay tahay marxaladda ‘Pandemic’, waxa aanay iska dhego marisay baaqyo isdaba joog ah oo ay xeeldheereyaal caalami ah oo kala duwani u soo jeedinayeen in xanuunku uu marxaladdan gaadhay, taas oo ugu dambayntii ay 11-kii March 2020 ka ku dhawaaqday. Dib u dhacaas oo sababay in dalal badani aanu u qiimaysnaan khatarta uu xanuunku leeyahay iyo sida ay tahay in ay uga sii diyaargaroobaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here