Somaliland Oo Diyaar Garowga Xanuunka Covid_19 U Banaysay Cisbitaalka TB-da

0
543

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xanuunka coronavirus oo maalmihii ugu dambeeyey Waddamada jaarka ah kiisad badan oo xanuunkana ah laga helay iyo ilaa hadda qorshaheeda ku saabsan xanuunkan iyo tirada dadka uu Somaliland xanuunkani soo ritay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xargeeye oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay sababta keentay in la xidho Cisbitaalkii TB-da ee Magaalada Hargeysa, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay  “Dedaal fiican baynu wadnaa ILLAAHAY mahaddiina shantii kiis wax dhaafsiisan ma hayno, alxamdulilaah weynu dedaalaynaa, ILLAAHAYNA wuu inoo roon yahay, Waddankana dad  calaamadihii coronavirus leh oo u jiifa ama u daadsan ma jiraan, khayr baanu rejaynaynaa, khayr bayna noqonaysaa waana dedaalaynaa, Mishiinkiina waanu ka shaqaysiinaynaa”.

Mar uu Shacabka baaq u dirayey wuxuu yidhi  “Shacabka waxaan ugu baaqayaa inay qaatan meel kasta oo ay joogaan farriimaha caafimaadka, inay guriyahooda joogaan todobaadyada soo socda, in aan la tagin  meelaha buuqa ah, in nadaafadda aad loo ilaaliyo, in faro-xalka aad loogu dedaalo, in meelaha la iskugu imanayo aad looga fogaado, in guriyaha la joogo cidda aan shaqo muhiima ah lu baxayn, in haddii la isku arko cadaamadaha xanuunka in la soo garaaco lambarka 988, si loo qabto wixii adeega ah ee loo qaban karo iyo in loo sameeyo wixii shaybaadh ah ee loo sameeyn karo”

Mar baanu wax ka weydiin ay sababta keentay in la xidho Cisbitaalka TB-da ayaa yidhi “Cisbitaalka TB-da waa la baneeyey, waxaana ugu talagalnay haddii ay kiisas soo baxaan oo ay soo dhaafaan Cisbitaalka Dab la taagay ee Dawladdu la wareegtay ee hadda gacanta ku hayso, ee loogu tagalay in la dhigo dadka uu xanuunkani soo rito, illaa haddana cid maynu dhiign, balse waa diyaar”.

Mar aanu wax ka weydiinay halka ay ugu talageen bukaankii ku jiray Cisbitaalka TB-da ayaa wuxuu ku jawaabay “Bukaankaasi iyagoo dibedda jooga ayey dawooyinka qaadanayaan, waxaana u soo jeedinayaa inay caafimaadkooda aad u ilaaliyaan, dawooyinkana sidii loogu tagalay ay u qaatan”.

Dhanka kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Khamiistii Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inay dalka dibeddiisa u direen 11 Qof dheecaankooda, si loogu soo shaybaadho, lana sugayo in dhawaan ay dalka soo gaadho natiijadoodu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here