Colombia Oo Si Fudud Uga Talaabsatay Xulka Greece

0
1003

Picture1Ciyaartan oo ku dhamaatay Colombia 3-0  Greece Waxaa sadexda goal ukala dhaliyey. Armero 5, Gutierrez 58, Rodrigez 90+. Jose Pekermans ayaa ciyaartoygiisu ay markii ugu horeysay dib uga ciyaareen koobka adduunka ilaa iyo 1998 kii kuwaas oo muujiyey awood loogu saadalin karo inay u gudbayaan wareega 16 ka iyadoo uu ka maqanyahay xidigoodii werarka uga ciyareyey ee Rademal Falcoa ayaa xulka Colombia waxay muujiyeen inay socon karaan Falcao la,aan .Goalasha waxa furay daafac Armero daqiiqadii 5, xili hore oo ciyaarta  kahor intaanu labayn Teofilo Gutierrez daqiiqadii 58, kaas oo lagu tijaabinyey booska uu baneeyey Falcao. Iyagoo ay isku haleynayeen taageerayaasha aadka u xad dhaafka ah ee garoonka soo buux dhafiyey ee taageeraya xulka south America {Colombia} ayaa dardarta xulkaas aad circa ugu sii sharertay. Theofanis Gekas ayaa ka qasaariyay  Greece fursadoodii ugu fiicneyd isagoo birta kubad madax ah ku dhuftay, halka James Rodriguez uu dhameystiray guusah muhiimka ah isagoo shabaqa soo taabtay wakhtigii lagu daray ciyaarta.     colombia waxaa ay is arki doonaan maalinta khamiista ah xulka aadka u culus ee   ka soo jeeda qaradan Africa ee Ivory coast, halka uu xulka Greece uu dib usoo laban karo isla maalintaa isagoo ay madaxa is daridoonaan xulka Japan.                                                     

Haddii ay Colombia ka soo baxdo Group C waxa ay ku dhici doontaa Group D oo ay kujiraan England, Italy iyo Uruguay. Qaab ciyaareedka ay haatan ku jiraana kooxda Jose Pekerman ayaa ah koox inta badan ay tahay in laga baqo.