Gacmo Wada Jir Ayay Gushu Wehelisaa

0
867

Picture13Dekedda Berbera waxa curyaamiyay maamul xumo iyo musuq badan, waana sababaha ugu horeeya ee aanay kula tartami karin dekedaha dhigeed ah ee gobalka ku yaala. Maareeyaha Cali Xoor-xoor wuxuu dekedda Berbera u maamulaa si madaxbanaan, waxaanu kordhiyaa hadba lacagta uu doono. Tusaale ahaan wuxuu dhawaan kordhiyay lacagta laga qaado koontiinarada 40ft oo hore si sharciga waafaqsan looga qaadi jiray 2000,000 slsh, hadda wuxuu ka dhigay 306000, halka uu koontiinarka 20ft ah oo laga qaadi jiray 800,000 uu hadda isna ka dhigay 1700,000 sl.sh.

 Marka uu lacagahan iyadoon Baarlamaanku u ansixin kordhinayo waxa shaqadiisii gabay xisaabiyaha idman ee ay xukuumadu soo magacowdo oo iska noqday fadhiid. Waxa kale oo uu maareeyaha dekedda Berbera kordhiyay lacagtii xamaalka oo uu ku daray 30%. Waxa kale oo uu kordhiyay lacagta laga qaado mitir kuyuubka bagaashka ay doonyuhu keenaan, halkii uu hore uga ahaa mitir kuyuubku 1150 sl.sh, hadda wuxuu ka dhigay 1775 sl.sh, isagoo mitir tanka oo hore u ahaa 20,000slsh, hadda ka dhigay 40,000. Sl.sh.

Dakhliyada soo xerooda ee la lunsan karo waxa ka mid ah Markabka koontirada sida ee tusaale ahaan dekedda yimaada waxa handle charge ahaan looga qaadaa $ 120,000 halka markabka bagaashka sida laga qaado$ 50,000, Doontana $ 1274. Haddii si wanaagsan loo maamulo waa lacago macno weyn u samayn lahaa dalka iyo dekeddaba.

Lacagaha la kordhiyay kuma koobna intan, waxaanan soo bandhigi doonaa kuwo kale iyo maamul xumo ka jirta dekedda, waxase ayaan darro ah in lacagahani ay yihiin kuwo aan sharciga waafaqsanayn oo aanay Baarlamaanku xalaalayn, sidaas marka ay tahayna ma marayaan waddo sax ah ee waxa loo maamulaa si qaloocan.

Maxamuud Jamaal Axmed