Komishanka Doorashooyinka oo Burco Ka Billaabay Wacyi-gelinta Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka

0
607

afkaHargeysa(Geeska) :-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa magaalo madaxda gobalka Togdheer ee Burco ka billaabay wacyi-gelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha la filaayo in ay dhawaan dalka ka qabsoonto.

Kulan ballaadhan oo lagu qabtay xarunta maamulka Gobalka ee Burco, kana soo qeyb-galeen madaxda gobalka, xubno ka mid ah guddida Komishanka Doorashooyinka, madax ka kala socotay xisbiyada Qaranka, madax-dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa si weyn looga hadlay muhiimada ay leedahay diiwaan-galinta codbixiyeyaashu iyo sida oo kale siddii looga loo joojin lahaa loogana wacyi-gelin lahaa dadka sida sharci darada ah u qaadata kaadhadhka badan oo xiliga doorashooyinka khal weyn abuura.

Marwo: Kaltuun Sheekh Xasan oo ka mid ah guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliand oo halkaas ka hadashay, ayaa iftiimisay u jeedada laga leeyahay wacyi-gelinta diiwaangalinta codbixiyeyaasha Somaliland, waxaana ay tilmaantay in doonayaan siddii looga hortagi lahaa kaadhadh badan oo wakhtiga diiwaan galinta si sharci darro ah loo qaato isla mar ahaantaana meesha looga saari lahaa in qofka muwaadinka ahi uu codeeyo hal cod wax ka badan.

"Waain la helo diiwaan-gelin xor iyo xalaal lagu sameeyey oo dadka codeyn doona ay ku heleen kaadhkoodii oo sax ah, ujeedada ugu muhiimsan ee maanta aynu halkan u joogna waa in laga joojiyo dadka doonaya in ay ku cel celiyaan oo wakhti badan oo kaadhadh badan ay qaataan,si hadhowna ay si musuq maasuq ah ay wax u codeeyaan, taas ayaana ayaana aynu doonaynaa in aynu ka joojino oo qofku waxaa uu xaq u leeyahay hal cod in uu dhiibto, sidaas aawadeed ayeynu u doonaynaa in qofku kaadh kaliya uu qaato, inta la siinaayo ee loo diyaarinayana uu wacyi gelin qaato.".Ayey tidhi Kaltuun Sh. Xasan.