Ciqaabta Nafta Iyo Joogtayntu Waxa Ay Ka Mid Yihiin Hababka Qofka Ka Caawiya Waxbarashada (1)

0
966

Hargeysa (Geeska)- Waxaa laga yaabaa in qofka oo naftiisa ku ciqaaba waxbarashadu ay ka mid tahay waxyaabaha aan loo baran ee qofka dhegihiisu qaadan waayaan, laakiin waxaa la hubiyey in ay tahay hab qofka si weyn uga caawiya waxbarashada, gaar ahaan barashada afafka. In habkani waxtar leeyahay waxaa bilowgii soo saaray, nin lagu magacaabo Maneesh Sethi oo ku hadla afarta a fee kala ah Talyaaniga, Boortuqiiska, Isbaanishka iyo Jarmalka, waxa aanu habkani ku doodayaa in feejignaanta badan iyo xaaladaha didmada ah ee qofku isku arko marka uu dhex joogo cid aanu afkeeda garanaynin ay sababto in uu si dhaqso ah u baran karo afka ciddaas.

Arrintan waxaa xoojisay daraasad ay iska kaashadeen qaybta barashada cilmi nafsiga iyo xarunta cilmiga neerfayaasha ee jaamacadda New York. Waxa ay daraasaddani daahfurtay in jawaabta uu jidhka aadamuhu ka bixiyo cabsida iyo haddidaadu ay sababto in xusuustiisu ay xoogaysato. Daraasaddan ayaa ay xeeldheerayaashu tijaabadeeda u adeegsadeen shoodh koronto oo aan qofka waxba yeelayn laakiin cabsi gelinaya. Tijaabadan ayaa muujisay in shoodhka korontada dadkii lagu qabtay ay wanaagsanaantay xusuustooda waxyaabaha loo sheegay marka loogu hanjabayey korontada, si fiicanna u qaybeen ereyadii loo sheegay xilligaas ay ka cabsi qabeen in korontada lagu dhejinayo haddii aanay xafidin ereyadaas. Waxa aanay xeeldheerayaashu sababta ku sheegeen qofka oo marka uu cabsanayo ay kor u kacdo baraarugsanaanta maskaxdoodu.

Joogtaynta

Inta badan waxaa ardayda caado u ah in dib u eegista duruusta iyo akhriska casharadooda ay dib u dhigaan illaa maalinta u dambaysa ee imtixaanka la gaadhayo, kadiba ay isku dayaan in mar keliya ay dib ugu wada noqdaan maadaddaas iyo waxyaabihii kala duwanaa ee ay ku soo barteen, si ay ugu diyaar garoobaan su’aalaha imtixaanka ugu iman doona. Waa suurtogal in xeeladdani ay ka gudbiso imtixaanka oo dhibco fiican ay helaan, waxaa hubaal ah in isla marka ay imtixaankaa ka soo baxaan, ay illaawaan inta badan ee wixii ay ku barteen maadaddaas gaaban ee ay dib u akhriyayeen duruusta, sababtuna waa macluumaadkan oo ku kaydsanaa maskaxda qaybteeda xusuusta dhow, oo aan u guurin xusuusta fog.

Waxa ay khubarada barashada afafka shisheeye ku taliyaan in marka qofku uu af ku cusub baranayo, ay fiican tahay in uu maalin kasta akhriyo, daraaseeyo, duruustiisana dib u eego, xitaa haddii ay noqonayso in maalintii waqti yar oo ka mid ah uun uu siiyo, waayo taasi waxa ay ka fiican tahay isaga oo dib u eegista ka dhiga toddobaadkii mar ama laba jeer.

Cilmbaadhis uu Geeska Afrika ka soo xigtay degel lagu faafiyo arrimaha cilmiga oo ay leedahay jaamacadda Berkeley ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay maskaxda qaybteeda qaabilsan xusuusta dhow uu qaadkeeda kaydinta cilmigu aad u yar yahay, maalin kastana hurdada kadib ay dib isu cusboonaysiiso, markaa marka ay dhacdo in maalin keliya xogo iyo waxbarasho aad u badan lagu cufo waqti gaaban oo maalin gudaheed ah, ay taasi keenayso in uu kaydkeedu awoodi waayo in uu waxaas wada qabto.

Laakiin marka cilmiga la bartay maalin kasta in yar uu qofku dib u akhriyo, kuna celceliyo waqtiyo kala durugsan, ay taasi keenayso in maskaxdu sida ugu habboon uga faa’idaysato qaybteeda kaydinta xusuusta dhow. In kasta oo ay daraasaddani si gaar ah uga hadlaysay barashada afafkana waxa ay haddana si guud u muujinaysaa in cilmiga kale oo dhamina la mid yahay.