Wasaaradda Waxbarashada Oo Ka Hadashay Tayada Waxbarashada Dalka

0
453

Hargeysa (Geeska) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa ka hadlay xaaladda Waxbarasho ee dalka, waxaanu xusay inay Wasaarad ahaan iyo Xukuumad ahaanba diyaar u yihiin sidii loo kobcin lahaa, horumar balaadhna loo gaadhsiin lahaa tayada tacliinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale farriin u diray Waalidiinta, Maamuleyaasha, Macalimiinta iyo guud ahaan Ardayda Somaliland, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxaa jiray oo ina soo maray wakhti ay Waxbarashada dalkeenu ay sida Maanta ay tahay aad uga hooseeysay, heerkan aynu maanta maraynaana waxaynu ku soo gaadhay dedaalkeena iyo juhdiga aynu u hurnay sidii Waxbarashada dalkeena u hagaajin lalhayn, inaynu dhisno Waxbarashadeena dugsi hoose, ilaa heer jaamacadeed way inaga go’an tahay, inaynu tayada Waxbarashadeena aynu sare u soo qaadno marba marka dambaysa waa hadafka iyo siyaasadda Xukuumadda iyo Wasaaraddaba, in guud ahaan Waxbarashada dalkeena dhisno haddii ay noqoto Waxbarashada caadiga ah, Waxbarashada dadban, Farasamada Gacanta iyo Waxbarashada ubadkeena miyi ilaa magaalo, sidaas awgeed himilada, yoolka iyo siyaasadda Xukuumadda waa sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarasho ee dalka, dedaalkeediina waanu wadnaa, si aynu ula jaan qaadno Waxbarashada dalalka horumaray”.

Mar uu farriin u dirayey Waalidiinta, Maamulka, Macalimiinta iyo guud ahaan Ardayda Somaliland ayuu yidhi “Mar walba waxaa wacan in Waalidiintu ay ka war hayaan ubadkooda oo ay ogadaan hadba heerkooda Waxbarasho halkay marayaan, waxaa wacan inay iska war hayaan Maamulka, Macalimiinta iyo Waalidiintu, si looga war hayo heerarka Waxbarasho ee Ubadka, sidaas awgeed waxaan ku dhiirigelinayaa dhammaan Waalidiinta, Maamulayaasha iyo Macalimiinta dalkeena inay xogogaal u noqdaan xaaladda Waxbarasho ee Ardayda”

 

Geeska.net/Hargeisa Office