Sidee Dib Loogu Habayn Karaa Habka Adeeg-bixinta iyo Qaab-dhismeedka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta?

0
799

Geeska Staff Writer

Dhawaanahan waxa isa soo taraya eedaha iyo dhaliilaha ay sida joogtada ah loogu jeediyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL. Dhaliilahaas oo kuwa ugu badani ka imanayaan Xisbiyadda Mucaaridka ah, Ururka Saxaafadda SOLJA , aqoonyahanadda madaxabanaan iyo haya’adaha Caalamiga ah ee daneeya arrimaha Saxaafadda. Inta badan dhalliilaha Wasaaradda loo jeedinayaa waxa ay ku tacaluqaan shaqada iyo  addeega ay Qaranka u hayso ee la xidhiidha Warbaahinta Dawladda iyo sida loo maamulo.

Bal aynu sawir ka bixino sooyaalka iyo muuqaalka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL. Wasaaraddu waa mid ka mid ah wasaaradaha ugu da’da weyn Wasaaradaha Jamhuuriyadda Somaliland taas oo dhismaheeda Xukuumadda Dhexe lagu soo kordhiyey sannadkii 1991. Tiradda Guud ee Shaqaalaha haatan ku qoran Wasaaraddu waxa lagu qiyaasay in ay u dhaw yihiin 700 shaqaale, oo ka kala tirsan 12 waaxood oo ay Wasaaradda ka kooban tahay ( oo ay ku jiraan Telefishanka Qaranka, Radio Hargeisa, Wargeyska DAWAN iyo Wakaaladda Wararka ee SOLNA).

Shaxda Miisaaniyadda Wasaaradaha iyo Haayadaha 2020 waxa ay tilmaamaysaa in ay sannadkan Wasaaradda ku baxday miisaaniyad dhan 45,376,093,468/= (una dhiganta 5.3 US Dollars). Taas oo ka dhigaysa in ay ka miisaaniyad badan tahay wadar ahaan Wasaaradda qaabilsan wax-soo-saarka (sida Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalumaysiga).

Su’aasha is-weydiinta mudan waxa ay tahay waa maxay dhibaatadda haysata Wasaaradda ee ay la tahli kari la’adahay in ay bixiso addeeg hufan, maadama ay ku baxdo miisaaniyadda culayskaasi lehi?

Degnaan la’aanta hoggaamineed ee Wasaaradda ka muuqata intii uu talada qabtay Madaxweyne Biixi ayaa ah dhalliisha ugu weyn ee shaqadda Wasaaradda ragaadisay. Muddadii  saddexda sanno ahayd ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi talada haysay, Wasaaraddu waxa ay yeelatay 3 Wasiir, 2 Wasiir-ku-xigeen iyo 4 agaasime-guud. Nasiib darada haysata Wasaaraddu waa iyada oo Agaasimaha Guud ( oo ah qofka darajo-ahaan ugu sarreeya shaqaalaha wasaaradda, isla markaana ay ahayd in uu ahaado qof farsamo oo maamulka ku raagga uu yahay qofka isbedelka ugu badan lagu sameeyey muddadaasi.

Muddadaas saddexda sanno ah ee ay Xukuumaddu taladda haysay, waxa aad u xumaaday xidhiidhka Xukuumadda ay la leedahay Warbaahinta Madaxa-bannaan. Sida lagu xusay Warbixin Sannadeedka  Xarunta Xuquuqul-Iinsanka Somaliland ee 2019, dad ay tiradoodu gaadhayso 88 qof ayaa loo xidhay arrimo la xidhiidha xoriyadda rayi-dhiibashadda. SOLJA ayaa sidoo kale Warbixinteedii Sannadka 2019 ku sheegtay in la xidhay 31 suxufi iyo 5 Haya’adaha Warbaahinta ah oo badankooda aan loo marin sifihii sharcigu jideeyey. Xidhitaanada loo geysanayo saxaafadda ayaa ah mid  lagu cabudhinayo Warbaahintu oo  dhaawac ku ah Dimuqraadiyadda lagu majeeran jiray Somaliland. Taas oo dhaawaca ku sii kordhinaysa doorashooyinkii muddo dhaafka ah ee aan ilaa iminka aan qabsoomin, asxaabta ay dhexdeeda si xor ah aan loogu tartami karin  iyo haweenka oo ku  haystan matalaad  iyo cod u qalma laamaha dawladda ee go’aanka lagu gaadho.

Arrimaha ugu yaabka badan ee jira waxa weeyaan in Idaacaddii Qaranka ee la soo iibiyey xilligii Xukuumadda Siilaanyo ay cilladi gashay muddo xileedka Xukuumadda Muuse Biixi oo ilaa iminka aanay habayaratee wax shaqo ah aanay qaban marka laga reebo idaacadda  FMta  ah ee gaadhsiisan magaaladda Hargeysa. Waxa intaas dheer in Telefishankii Gudaha laga daawan jiray (Local TV) uu mar labaad gubtay oo aanu iminka wax shaqo ah qaban.  Ceebta weyn ee jirtaana waxa weeyaan in tayada barnaamijyadda iyo wararka laga baahiyo Idaacadda iyo Telefishanka Qaranku ay yihiin kuwa ka hooseeya halkii laga filanayey, ama ay ahayd in ay gaadho. Hadaba, isweydiintu waxa ay tahay halkee lagu bixiyaa miisaaniyadda tirada badan ee loogu talogalay TVga iyo Idaacadda Qaranku?

Dhanka kale, Dhaqanka oo ah shaqada kale ee ay Wasaaraddu ugu xilsaaran tahay Qaranka ayaa ah gebi ahaanba mid gaabis ah. Ma jiro tiyaatar qaranku leeyahay oo fanaaniinta iyo ruwaayadaha wacyigelinta ah lagu soo bandhigo, mana muuqato qorshe dheer oo dib loogu yagleelayo ama lagu dhisayo tiyaatar qaran ama dib loogu soo ceshanayo tiyaatarkii Xukuumadaha hore bixiyeen.  Shaqada Dhaqan ee Wasaaraddu hayso ayaa ah mid ku soo koobantay in ay baahiso heeso iyo riwaayado googoos ah oo aan waxba ka tarayn baahida weyn ee muwaadiniintu u qabaan in la horumariyo hiddaha iyo dhaqanka dalka.

Dhaliisha kale ee jirta ayaa ah in Wasaaraddu aanay muddo dheer lahayn Siyaasad Guud oo laga warqabo oo lagu maamulo Warbaahinta madaxabannaan iyo kuwa dawladda toona.  Masuuliyiinta la soo magacaabo ayaa Wasaaradda ku maamula aragtiyahooda gaar ah  oo ah kuwo iswada burinaya, isna khilaafsan. Taas oo aad ka dareemayso duruufaha ay la nooshahahay saxaafadda madaxabannaan oo ku xidhan dareenka ama habka hoggaamiineed ee kolba Wasiirka tallada loo dhiibo.  Xeerka Saxaafadda ee dib-u-habaynta lagu sameeyey ayaa ah mid la dhamaystiray horraantii xukuumadda Madaxweyne Biixi, taas oo aan ilaa haatan loo gudbin Golaha Wasiiradda.

Dhaliilaha loo jeedinayo Wasaaradda ayaa ah kuwa dhab ah oo aanay ilaa iminka muuqan ifafaalihii dhaliilahaasi lagu sixi lahaa, iskaba daa in horumar lagu talaabsadee.

Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu soo jeedinayaa in dib u habayn lagu sameeyo Wasaaradda si ay u hufnaato addeega ay Qaranka ugu xilsaaran tahay loona madhxiyo dhaqaalaha cashuur bixiyayaasha ee aan raad togan iyo natiijo la mahadiyo toona lahayn.

Tallooyin

  • Talada aan soo jeedinaynaa waa in Wasaaradda Warfaafintu waxa ay u baahan tahay in loo baddalo wakaalad ( ama shirkad) si maamulka iyo habka adeeg-bixinta wasaaraddu isku waafaqaan, isla markaana loo helo nidaam si fudud uga jawaabi kara baahiyaha Waraabineed ee dalka ka jira.
  • In dhamaan Warbaahinta Dawladda ( Telefishanka Qaranka, Radio Hargeisa, Wargeyska Dawladda iyo SOLNA) la mideeyo, lana hoos geeyo Shirkad gaar ah oo maamusha Warbaahintan si ay ula tartami karaan warbaahinta dhiggood ah, lana xaddido tiradda shaqaalaha ah ee ka hawlgalaya.
  • In Wakaalad gaar ah oo qaabilsan dejinta qorshaysaasha, habraacyadda, shuruucda iyo siyaasaddaha saxaafadda  iyo wacyigelinta iyo arrimaha la xidhiidha ruqsad-bixinta iyo dib u cusboonaysiinta ruqsadaha, iyo diiwaangelinta xogaha aasaasiga ah ee Warbaahinta Dalka ka hawlgasha la yagleelo.
  • In Wacyigelinta laga dhigo shaqo dhextaal ah oo Wasaaraddaha iyo hayaadaha madaxabannaan fushan karaan, balse ay waafaqaaan habraacyadda iyo siyaasaddaha Wakaalada.
  • In  Qaybta Dhaqanka iyo Dalxiiska la mideeyo, lana hoos geeyo Wakaalad u gaar ah una xilsaaran kobcinta Dhaqanka iyo ilaalinta iyo horumarinta aasaarta qadiimka ah ee Qaranka.