Geeska Afrika Oo Helay Baaqii Ay Dawladaha Reer Galbeedku Somaliland Kaga Codsadeen Inay Ciidamadeeda Kala Baxdo Sool Iyo Sanaag

0
643

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika ayaa helay baaqii ay toddobaadkan dawladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Ururka Midowga Yurub Somaliland kaga dalbadeen inay ciidamadeeda kala baxdo gobalada Sool iyo Sanaag.

Baaqan oo ay saxeexeen safiirada Ingiriiska, Neil Wigan, ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Somaliya James P. Mc.Anulty iyo wakiilka gaarka ah ee Miwowga Yurub ee Somaliya Michele Cervoned’Urso, ayaa wuxuu Geeska Afrika helay isagoo dhammaystiran, waxaanay Somaliland iyo Puntland ugu baaqayaan inay kaashadaan bulshada deegaanka oo ay helaan nidaam wax dhisaya oo lagaga hortago tabasho ay sheegeen inay dhaqaalaha iyo horumarka ka qabaan dadka deegaanadaas ku nooli. Bayaankaas oo dhammaystirani, wuxuu u dhignaa sidan:  “Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Neil Wigan, Ergayga gaarka ah ee Mareykanka u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James P. McAnulty, iyo Wakiilka gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervoned’Urso, ayaa walaac weyn ka muujiyey xoogaga milateri ee la geeyey goobaha lagu muransan yahay ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

“Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah dib looga saaro ciidmada hubeysan goobaha lagu muransan yahay ee gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana ugu baaqeyn dadka ay arrintaan khuseyso in ay ka waantoobaan rabshadaha. Waxaan ku baaqeyna is-xakameyn iyo in laga hortago isticmaalka ciidan. Dhammaan qaybaha ay khuseyso arrintan waa in ay dadaal degdeg ah sameeyaan si loogu xalliyo khilaafka wadahadal nabadeed iyo in si dhab ah loo muujiyo doonista in la abuuro waxyaabaha muhiimka u ah daganaansho waarto oo ka dhacda gobolka.” Safiirka Ingiriiska, Ergayga gaarka ah ee Maraykanka, iyo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yurub waxay ku boorinayaan maamulada Somaliland iyo Puntland in ay Kaashadaan bulshada deegaanka, ayna nidaam wax dhisaya helaan, si qaab wadajir ah wax looga qabto tabashada dhaqaalaha, horumarka, iyo bini’aadanimo ee dadka ku nool gobolada la isku haysto, iyadoo aan la eegeyn sheegashada goobahan. Safiiradan ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in la caawiyo dhammaan qaybaha ay khuseyso arrintaan si loo raadiyo xeer-jajab iyo in laga shaqeeyo nabad waarta iyo deganaansho uu helo gobolku.”