Waxaanu Ciidamada Booliska Ku Qalabayn Doonaa Diyaradaha Helicopter-ka

0
513

Picture1Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shalay ciidamadaNabadgalyada wadooyinka (Trafic) ku wareejiyey 7 gaadhi oo ay ku hawl-gali doonaan.

Wasiirku, waxa kale oo uu ciidanka ku wareejiyey direys cusub, kuwaasi oo aad u qurux badan isla-markaana ka duwan direyskii ay hore loogu yaqaanay.

Munaasibad Wasiirka Wasaaraddu shalay galinkii dambe ku qabtay dibadda xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha ee Magaalada Hargeysa isla-markaana ay goob-joog ka ahaayeen Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor, Taliyaha ciidamada booliska iyo ciidamo faro badan oo kuwa nabadgalyada wadooyinka ah, ayuu ku wareejiyey gaadiidkaasi.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Halkan waxaynu isugu nimid inaanu ciidamada Taraafikada aanu kor u qaadno tiradooda iyo tayadooda, halkan waxaad ku arkaysaan ciidan aad iyo aad u dhalaalaya oo aanu ugu talo-galnay inuu haybadda Taraafikada kor u qaado iyo gaadiid aanu ugu talo-galnay inay ku shaqeeyaan”

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxa kale oo uu sheegay “Dufcaddani waa tii labaad, tii horena waanagii siinay ciidamada booliska, tii saddexaadna way inagu soo dhowdahay oo ciidamada gobollada ayaanu u qaybin doonaa, haddii Alle yidhaahdo” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inuu dhawaan ciidamada booliska ku qalabayn doono diyaarado “iinsha Allaahu waxaanu wadnaa oo kale oo aanu ciidamada booliska ku qalabayn doonaa diyaaradaha Helicopter-ka oo dhawaan noo iman doona, waxayna wax weyn ka tari doonaan amniga”

Taliyaha ciidamada booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal, oo uu Wasiirku ku wareejiyey furayaasha gaadiidkan oo ah kuwo cusub, ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay uga mahadceliyey, waxaanu yidhi “Waxa uu wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Mudane, Cali Maxamed Waran-cadde nagu wareejiyey baabuurta gurmadka deg-deg ah, kuwaasi oo wax badan ka tari doono ammaanka”