Ciidamada Badda Ee Malta Oo Badbaadiyay 84 Ruux Oo Soamli Ah Oo Badweynta Ku Qaraqmay

0
701

maltHargeysa(Geeska)-Ciidamada badda ee Malta ayaa khamiistii badbaadiyay 84 ruux oo Somali ah oo dooni yar oo ay saarnaayeen kula qaraqantay biyaha Malta. Dadkaasi waxa ay ku sii jeedeen qaaradda Yurub.

Dadkaas oo la sheegay inay ka tageen dalka Liibiya, waxa ay isugu jiraan rag, haween iyo carruur dhammaantood Somali ah, waxaana la badbaadiyay iyagoo biyaha dhex heehaabayay, waxaana badbaadisay dooni ay leeyihiin ciidamada Badda ee Malta oo ah kuwa roondeeya biyaha Malta, waxaana dadkaas oo ay qaarkood ku jireen koomo loo fidiyay baadhitaano iyo gargaar caafimaad.

Badda u dhaxaysa Yurub iyo Afrika, gaar ahaan Talyaaniga iyo Liibiya, ayaa waxa ay qabtaa dad badan oo Afrikaan ah oo u badan Somali oo u sii tahriibayay qaaradda Yurub si ay uga helaan nolol dhaanta nolosha adag ee Afrika.