Wasiir Xirsi Oo Sheegay Inay Ingiriiska Iyo Denmark Xafiisyo Ka Futeen Wadanka

0
678

xirsiHargeysa(Geeska)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa difaacay qorshaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ku waajahan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo ay dad badan oo masuuliyiin ahi aad u dhaliilaan.

Wasiir Xirsi, oo hadal ka jeediyay xaflad uu xisbiga KULMIYE Burco ugu qabtay murashixiin u tartami doona golaha deegaanka degmada Burco, wuxuu sheegay inay dawladaha Denmark iyo Ingiriisku xafiisyo ka furteen wadanka, laakiin ma bixin faahfaahin la xidhiidha wakhtiga ay furteen. Ugu horayn isagoo ka hadlaya siyaasadda dibadda, wuxuu yidhi “Siyaasada dibada waxa laga qabtay wax badan oo ah in wadamada jaarka ah xidhiidh fiican lala sameeyo oo inuu kor u kaco mooyaane xidhiidhkii marnaba hoos aan u dhacin, in wadamada carabta xidhiidh lala sameeyo iyaga oo ay inaga xidhnaan jiray, oo ay waliba qaarkood mashaariic ina siiyaan sida mashaariicdii biyaha iyo kuwa madaaradaba. Waxa laysku dayay in la’ala xidhiidho China, inkasta oo aanu suurto galin sanadkii hore oo xidhiidh lala sameeyay, haddana wada hadaladii way socdaan waxaanan ka rajaynaynaa in horumar laga gaadho.”

Isagoo ka hadlaya wadamada uu sheegay inay xafiisyo ka furteen dalka, wuxuu yidhi “Waxaa safaarado ama xafiisyo ka furtay wadamo Yurub ah oo ay ka mid yahiin Denmak, Ingiriiska, waxa wadanka wax ka furtay wadamo waawayn sida Masar oo imika gacanta ku haysa waana talaabo hore loo qaaday in dunidu ogaatay in Somaliland ay tahay dal jira oo la’la macaamili karo.”

Wuxuu ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu isagoo difaacaya yidhi “Dawladu waxay da’adaal u gashay in la wada hadlo Somaliya iyo in shirarka caalmiga ah laga qaybgalo, markii ugu horaysay ayay ahayd in uu madaxweynaa Somaliland yidhaahdo aan wada hadalada ka qaybgalno oo Somaliya waxbaa ina gaxayn jiraye, aynu nidhaahno waar maxaad noo qasbaysaan haddii aanu dooranay inan gooni isku taagno, aan wada hadalno, nimaan kaa xoogbadnayan oo kaa gar lahayn hadii aad ka baqdo oo aad iinyada uun tidhaahdo waa mid subaanalaah.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Kulankii London waxa aynu ku fadhiisanay shan xubnood inaga ah ( Somaliland ) iyo shan xubnood oo iyaga ah( Somaliya ) waynu wadahadalnay, waxaanay xaqiijinaysay inaynu inaga iyo Somaliya si siman u wadahadalno, waxa ka soo baxay wadahadalkaas sideedii qodab ee aad wada maqasheen oo dhamaantood Somaliland u adeegayay guulna u ahaa, sideedaas qodab waxa kamid ahaa madaxweyne-ayaashu inay saxeexaan oo ay dhiiri galiyaan, waxaanay labada madaxweyne ku kulmeen Dubai, waxaana ka soo baxay go’aamadii ay labda madaxweyne saxeexeen. Waxa goobtaas diyaar ku ahaa warbaahintii caalamiga ahayd iyo goob joogayaal ay hogaaminaysay dawalda Imaaraadku, waxa furay wasiiru dawlahii Imaaraadka, waxa xusid midan in Faroole oo markii hore lahaa ma dhaci karaan, in isaga oo soo fadhiya la kala saxeexdo oo uu isaguna barbar fadhiyo madaxweyne Shariif isagoo uu hogaaminayo, cidna ma qasbin ee isaga oo fadhiya ayaa la kala saxeexday Somaliya iyo TFG-da ayaanu ka mid ahaa, anagana Somaliland ayaa layna yidhaahdaa.”

Isagoo ka hadlaya aragtida ay bulshada badhkeed qabaan ee ah inaan lala hadal dalka Somaliya ilaa ay ka dhalato dawlad ay shacabku soo doorteen wuxuu yidhi  “maanta inaguna in aynu nidhaahno cidna la hadli mayno maaha, iyaguna inay ina qasbaan oo ay yidhaahdaan qasab ayay idinku tahay maaha, ninka aan muqdisho wada haysan inuu yidhaahdo ama gobaladiisa wada haysan ee leh midniamda Somaliya waa Muqadas waa hal bacaad lagu lisay, waxaana u roon inuu maamulkiisa isku dubarito, waxaanu leenahay Somaliland madaxbaanideednu waa umqadas cidna laga baryi maayo, maaha Somaliland waxa cadho iyo caadifad ku yimi ee waad wada ogtahiin, waa nidaam ay bulshadu  dooratay oo go’aankeeda ay ku keentay nin siyaasi ahna aanu u ogayn, oo ay markii danbana u codaysay sidaasna ay isaga soo dhaxlayeen afarta madaxweyne. Waxay wada hadaladii ku soo gabogaboobeen si guul leh, waxaan habeenkii ka tiriyay warbaahinta caalmiga ah ee wax ka qortay Somaliland iyo Somaliya 164, waxaanay runtii ahayd guul iyo xaqiijin la xaqiijinayay wadahadaldii, guushaasna waxa iska lahaa madaxweynaha Somaliland oo maantana aan rajaynayno inuu ictiraafkeenii ku yimaado.”