Xukuumadda Oo Doonaysa In Buug Hargeysa Lagu Qoray Caalamka Lagaga Dhaadhiciyo Qadiyadda Somaliland, Si Gaar Ahna Soomaaliya

0
612

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in Cidda ugu horraysa ee ay tahay in Somaliland qadiyaddeeda gaadhsiisaa tahay dalka Soomaaliya, kaasi oo Somaliland Madax-banaanideeda kala soo noqotay sannadkii 1991-kii.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu soo bandhigay Buug lagu soo ururiyey ayaa sheegay in Soomaaliya ka mid tahay waddamada loo bahan yahay in Somaliland la baro.

Wasiirka ayaa sheegay in loo bahan yahay in qadiyadda iyo taariikhda Somaliland la gaadhsiiyo ururro iyo dowlado Soomaaliya ka mid tahay.

“Cidda ugu horaysa ee aynu u baahan nahay in aynu qadiyaddeena gaadhsiinaa waa Soomaaliya” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Soomaaliya taariikhdeena ma hayso marka waa in aynu gaadhsiino, markaa waa inaynu gaadhsiinaa”

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale “Waxaynu u baahan nahay Cidda qadiyaddeena danaynaysa ama dano inagaga xidhan yihiin, kuwaana waxa ugu horeeya ururka Midowga Afrika, waa inaynu gaadhsiino Waddan walba, Madax walba, Wasiir walba oo Arrimo-dibadeed, waa inaynu Qof kasta oo ku soo kalahday Xafiiska Midowga Afrika ee Addis Ababa aynu gacanta ka gelinaa nuqul (buuggaa ka mid ah)..” ayuu waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo aynu u baahan nahay inaynu Qaramada Midoobay is hor-taagno Qof kasta oo Qaramada Midoobay Xafiiskeeda galaya inaynu nuqul siino, haddii aan la ina maqlin oo aan la ina arkin ma jirno, waxaynu u baahan nahay in dhawaaqeenu gaadho meel walba, waxa kale oo loo baahan yahay in safaaradaha dalkeena jooga mid walba Gacanta looga dhiibo, Xafiisyadeena dibedda mid walba waa in la siiyo Nuqullo ku filan, Jaaliyadaha dibedda waxaynu u baahan nahay inaynu buugga gaadhsiino..”

Buuggan oo ka hadlaya Taariikhda Somaliland, ayaa waxa diyaarisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland.

 

Geeska.net/Hargeisa Office