Xukuumadda Somaliland Oo Markii Ugu Horraysey Sheegtay Qorshe Ay Wadday Oo Ay Fulintiisa Ku Fashilantay

0
653

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysey sheegtay inay awoodi wayday inay wax ka qabato Bacda oo dhibaato badan ku haysa deegaanka.

Xukuumaddu waxay sheegtay in 5-tii sanadood ee u dambeeyay ay ka shaqaynaysay la dagaalanka Bacda, laakiin intii lahayd Masuuliyaddeedu wayday awood ay dalka kaga mabnuuco Bacda.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Shukri Ismaaciil Baandare oo Shalay hor-tagtay Golaha Guurtida Somaliland isla-markaana War-bixin ka siisay hawlaha ay Qaranka Masuulka uga yihiin, ayaa caddaysay in bacdu ku adkaatay inay wax ka qabtaan.

Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo Arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi  “5-taa sanadood ee aynu soo dhaafnay Bacdaa waanu ku guulaysan waynay (Inaanu joojino) intayadii shaqada ku lahayd, Maanta waxa Kastamada yaalla 8 Milyan oo  Xabo (Baco) oo la soo qabtay.”

Wasiirka deegaanku waxa kale oo ay sheegtay in Wasaarad ahaan ay dhibaato ku qabaan ugaadhsiga Duur-joogto oo Somaliland u soo badanaya “Ganacsiga Ugaadha dhib aad iyo aad u faro badan ayay Wasaarad ahaan nagu haysaa, 400 Caasho-badhiyood oo aanu ku soo qabanay Dad Soomaali iyo Ajaanibba leh oo aanu dib ugu celinay deegaankii laga keenay, illaa imikana ay socoto Ugaadhsigeedu, Ganacsiga Ugaadhu waa waxyaabaha Wasaaraddayada Caqabadda koowaad ku ah..”ayay tidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office