Ceel-afweyn: Nin Lagu Dilay Deegaanka Budhlaale Iyo Colaad Ka Dhalatay

0
1145

Budhlaale (Geeska) – Alle ha u naxariistee Marxuum Magaciisu ahaa Cabdi Ismaaciil Caarshe, ayaa geeriyooday ka dib markii nin hubaysan uu xalay fiidkii ku toogtay deegaanka Budhlaale oo dhinaca Gubanka ka xiga degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag.

Ninka dhintay iyo ka toogtay ayaa la sheegay inay ku muransanaayeen ganacsi la xidhiidha Beenyada oo deegaankaasi hodan ku yahay, waxaana la sheegay in muran iyo buuq soo kala dhex galay ka dib toogashadani dhacday, taasi oo sababtay inuu geeriyoodo Marxuum Cabdi Ismaaciil Caarshe.

Madaxa Paratakoolka Wasaarada duulista hawada Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Caarshe oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Afrika, ayaa xaqiijiyey dilka Marxuumkaasi oo ay Walaalo ahaayeen.

Dhanka kale, warka ayaa intaa ku daraya in dilkaasi deegaanka Budhlaale uu ka abuuray xiisad colaaddeed isla-markaana ay labada beelood dad ka soo jeedaa isku hub urursanayaan, waxaana la sheegayaa in deegaankaasi oo ah dhul qarfo ah aanay ku sugnayn ciidan furmaadin kara xaaladdaasi.

Deegaanka dhibaatadani ka dhacday ayaa waxay dhanka gubanka ka xigtaa degmada Ceel-af-weyn waxayna qiyaastii u jirtaa 150KM.