Casho Laba Qof Ah Oo Qiimaheedu Yahay 2 Milyan Oo Doolar Iyo Adeegyada Loo Fidinayo Cidda Iibsata

0
527

Singapore (Geeska)- Hudheel cunto oo kuwa dabaqadda sare ee ku yaalla dalka Singabuur ah ayaa dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee Ogosto ku dhawaaaqay in uu iibinayo cashadii ugu qaalisanayd abid ee hal mar la cuno oo qiimaheedu ahaa 2 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

1

Hudheelka Ce La Vi oo ku yaalla barxadda u sarraysa ee fooqa Marina Bay Sands oo ku yaalla magaalada Singapore ee caasimadda dalka Singapore ayaa sheegay in cashadan qiimaheedu 2 Milyan oo doolar yahay, qofka dalbadana loo qaban doono adeegyo dheeraad ka ah cashada oo ay ka mid tahay, in uu soo kaxaysto qof labaad oo la casheeya iyo in muddo 8 saacadood ah cashadaas oo keliyi soconayso. Maamulka hudheelka Ce La Vi waxa ay sheegeen in cashadan ay iska kaashadeen hudheelkooda iyo shirkadda macdanta Dheemanta ka shaqaysata ee lagu magacaabo World of Diamonds oo laga leeyahay dalka Ruushka.

Sheekadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay warbaahinta Russia Today, waxa ay intaas ku dartay in Cashadu inta aanay bilaaban, waxaa macmiilkan 2 Milyan ee doolar bixiya la saarayaa diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah oo muddo 45 daqiiqo ah magaalada dusheeda kula wareegi doonta, si uu u daawada daafaheeda oo dhan, waxaa xiga in haddana la saaro markab kuwa lagu raaxaysto ah oo dalxiis dhinaca badda ah u qaadi doona, kadibna waxaa la saarayaa gaadhi nooca qaaliga ah ee Rolls-Royce ah oo labadan ruux geyn doona hudheelka cuntada ee Ce La Vi.

Marka cashada laga hadlayana, waxa uu hudheelku ku dhawaaqay in miiska la soo dhigi doono 18 nooc oo cuntooyin kala duwan oo siyaabo kala duwan loo sameeyey ah, waxaa ka mid ah cuntada caalamiga ah ee Caviar (Kaafiyeer) afka ingiriisiga lagu yidhaahdo oo ah ogxaan (Beed) yaryar oo tiro badan oo rucub, rucub ah laga soo saaro uur ku jirta qaar ka mid ah xayawaan biyoodka gaar ahaan noocyo kalluunka ka mid ah iyo sidoo kale cuntada laga sameeyo noolaha biyo-ku-noolka ah ee afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo Oyster. Waa noole dhif ah, oo ku nool badweynta, iyo xeebaha dhulka cimilada kulul, waxa aanu inta badan ku dheggen yahay dhagaxda badda hoosteeda iyo shacaabiga. Sidoo kale waxaa la siinayaa cabbitaanno kala duwan oo kuwa dunida ugu qaalisan ah, laba qoryaha dadka China wax ku cunaan ah oo lagu dahaadhay dheeman nooca 4 giraama ah, qiimaheeduna yahay 17 kun oo doolar. Goobta ay labada qof ku qadaynayaan waxaa la soo dhigi doonaa kun laamood oo ah ubax miiska iyo agagaarka oo dhan lagu qurxinayo ah.

Cuntada kadib waxaa labadan qof la siin doonaa mac-macanno kala duwan iyo hadyado ay ka mid yihiin xidhmo ubax ah, fargal ka samaysan dheemanta buluugga ah oo ah nooca 2.8 Giraam ah, dushana lagaga xardhay magaca jilaaga filimada Maraykanka ee caanka ah ee Jane Seymour, oo wax badan ka jishay filimada James Bond, iyo laba gacan gashi oo ka samaysan dheeman oo lagu soo xardhay magaca labada qof.