Somaliland Oo Laga Xusay Maalinta Caalamiga Ah Ee Dimoqraadiyadda

0
584

Hargeysa (Geeska)- Maalinta caalamiga ah ee dimoqraadiyadda caalamka, ayaa markii ugu horreysay laga xusay dalka Jamhuuriyadda Somaliland shalay.

1

Munaasibad ballaadhan oo khamiistii lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, isla markaana qabanqaabisay Xarunta Xuquuqal-insaanka ee HRC (Human Rights Center), waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka socday xukuumadda, asxaabta qaranka, Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka Somaliland, Ururka Suxifiyiinta ee SOLJA, ururrada aan dawliga ahayn iyo marti-sharaf kala duwan.

Ugu horreyn waxa  halkaas ka hadlay Mr. Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo si qoto dheer uga warramay geeddi-socodka dimoqraadiyadda Somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, isagoo tilmaamay in dimuqraadiyadda dalku ka soo bilaabantay ururkii SNM ee dalka ka xoreeyey taliskii Siyaad Barre.

“Jabhaddii SNM Ururrada hadda jira way ka dimuraadiyad fiicnayd, waayo 50-kii nin ee meel ka hawlgalaa waxay lahaayeen hoggaamiye ay soo doorteen. Markaa maanta Somaliland dimuqraadiyadeedu meel fiican bay maraysaa waanay kobcaysaa,” ayuu yidhi Geel-jire.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si weyn u soo dhaweeyey in la xuso maalinta, waxaannu sheegay inay tahay xasuusin inay dimoqraadiyadeennu ku toosnaanno hannaanka doorashooyinka xorta ah, isaga oo xusay in dimoqraadiyadda Somaliland ay khatar ku tahay qabyaaladda iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida

Cabdirashiid Maxamuud Jeeni oo ka socday xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa saluug weyn ka muujiyey dimoqraadiyadda Somaliland, waxaanu sheegay inaanay jir wax isla xisaabtan ama doorasho waqtigii loogu talogalay ku dhacda, taasina ay dhawacayso dimoraadiyadda Somaliland

Agaasimaha Fulinta SONSAF Mr. Barwaani, ayaa sheegay in Somaliland ahayd dalkii ugu horreeyey ee ku hadla Soomaali doorasho qabta 1960kii ee Baarlamaankii ugu horreeyey lagu keenay, 2002 la hirgeliyey saddex xisbi qaran oo ku tilmaamay in 54 ka waddan ee Afrika ay Somaliland ka mid tahay 5 waddan ee ugu fiican.

Raaqiya Yuusuf oo ka soctay Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka, ayaa ka warrantay muhiimadda ay leedahay xuska maalinta dimoqraadiyadda adduunka iyo sida ay Somaliland ugu dhaqanto, waxaanay sheegtay in Somaliland ka mid tahay waddamada Afrika ugu dimoqraadiyadda wanaagsan, iyadoo tusaale u soo qaadatay madaxbannaanida saxaafadda iyo xorriyadda hadalka.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo sheegay in saxaafaddu tahay mid ka mid ah astaamaha dimoqraadiyadda, waxaannu xukuumadda ku dhaliilay in aanay ka soo bixin waajibaadkii ka saarnaa madaxbannaanida saxaafadda iyo horumarinteeda.