Casharrada Nolosha (1): Duruufaha Adagi Qofka Saddex Midkood Ayuun Baa Ay Ka Dhigaan

0
870

1Hargeysa (Geeska)- Inan ayaa abaheed uga waayo-sheegatay duruufaha qallafsan ee nolosha la soo dersa, waxa aanay ugu cabatay in aanay garan karin si ay uga baxsato iyo xal ay ku waajahdo midna. “Marka dhibaato xalkeeda aan gaadhaba mid kale ayaa bilow ah!” ayaa ay ku calaacashay, iyada oo u sheegtay in haatan ay diyaar u tahay in ay isu dhiibto duruufaha nololeed oo ay dhowrto uun halka ay geeyaan.

Inantan aabaheed oo ahaa nin aad u caqli badan ayaa markii ay warkan u sheegtay waxa uu ka codsaday in ay geyso madbakha guriga, kadibna inta ay saddex girgire shiddo, mid kasta saarto dheri biyo ah, dabkana ku shiddo illaa ay biyahaasi karaan.

Markii ay saddexdii dheri kareen ayaa uu mid ka mid ah ku riday daba-case, kii kalana ku riday beed, kii saddexaadna ku riday midhadh bun ah oo uu burburiyey. Daqiiqado ayaa uu sugay saddexdii dheri, kadib inta uu dabkii bakhtiiyey ayaa uu dherigii ka soo saaray xabaddii dabacasihii iyo beedkii, dherigii bunkana in ka soo shubay. Intaas markii uu dhammaystiray ayaa uu ku jeestay inantii oo hareer taagan lana yaabban waxa ay daarran yihiin ficilladan aabihii, waxa uu weydiiyey, “Aabo maxaa aad aragtaa?” Iyada uu ka yaaban sababta aabaheed u weydiinayo waxan ay arkayso ee uu og yahay in ay garanayso ayaa ay si kooban ugu jawaabtay,”Daba-case, Beed iyo Bun” Odaygii waxa uu inantiisii ka codsaday in ay taabato mid kasta, waxa aana u soo baxay, in dabacasihii markii hore adkaa uu haatan aad u jilcay oo xitaa jileec awgii aanu jooggiisu toosnaan karin, haddana beedkii uu ka codsaday in ay dhisho ayaa uu weydiiyey waxa aanay u sheegtay in markii hore uu ahaa dareere qolaftani ilaalinayso, laakiin hadda uu adkaaday. Haddana dherigii saddexaad ee bunku ku jiray ayaa uu ka codsaday in ay dhadhamiso, inta ay dhoolla caddaysay ayaana ay ku tidhi, “Waa bun”

Inantii waxa ay aabaheed weydiisay, in uu u fasiro ujeedada uu arrintan ka leeyahay, waxa aanu ugu jawaabay, “Inantaydiiyeey, waxa aad ogaataa in beedka, bunka iyo daba-casaha ay ka hor timid duruuf adag iyo loollan xooggan oo cadow ku ah, dabcan waxa ay wadaageen cadow keliya oo ahaa biyaha karayey. Laakiin saddexdooda cadowgaas si u gaar ah ayaa uu ku qaabilay, natiijo kuwa kale ka duwan ayaana kaga soo baxday.

– Daba-casuhu marka hore waa uu adkaa, oo xoog lahaa, laakiin markii cadowgani helay waa uu jilcay oo uu daciifay.

– Beedku gudaha dareere ayaa uu ka ahaa, laakiin cadowgani markii u uhelay waa uu adkaaday.

– Halka Bunku uu hal-adayg ku waajahay, kuna guulaystay in uu beddelo biyihii laftoodii oo hadda aad adigu sheegtay in aanay biyo ahayn ee bun magacoodii isu beddelay, bunka ku milmay awgeed?

Odaygii sharraxaaddaa kadib waxa uu inantiisii u sheegay, in qof kasta ay duruufaha qallafsan ee adduun ka hor yimaaddaan noloshiisa, laakiin ay dadku ku kala duwan yihiin midka ay ku waajahayaan saddexdaa xeeladood.

In aad noqoto sida daba-casaha, marka hore adkaa, laakiin markii duruufaha qallafsani ka hor yimaaddeen itaal beelay ee jilcay. In aad oqoto sida beedka oo marka hore dareere hoostiisu ahayd, markii mushkiladi ka hor timidna iyada oo aanu muuqaalkiisii duleed iyo qoloftiisii is beddeliin uu isagii hoosta ku jiray is beddelay ee adkaaday, oo aadna aad noqoto ruux muuqiisu uun joogo oo hoosta qof kale noqday, oo duruufaha kakani ay ku beereen qalbi adayg iyo nxariis daro iyo in qalbiga iyo uurkuba is beddelaan.

Ama noqon sida bunka oo inta uu duruufihii biyaha kulul u adkaystay isagii beddelay biyihii midabkoodii iyo dhadhankoodii iyo xitaa magacoodii.

Saddexdaas midkood ayuun baa uu qofku ku qaabili karaa duruufaha ka hor yimaadda, hadba ka uu saddexdaa shay noqdo ayuun baanu adkaysigiisa iyo ka samato-bixidda duruuftaasi ku xidhan tahay.