CASHARADA NOLOSHA (8): Dhib Kasta Oo Fudud U Dul-Qaadashadeedu Waxay Ku Xidhantahay Muddada Ay Jirayso

0
1028

Hargeysa (Geeska Afrika)- Maalin maalmaha ka mid ah ayaa macallin xikmad badnaa uu damcay in ardaydiisa uu fahansiiyo muhiimadda ay leedahay in hawl kastaa inta ay bilowga tahay fududahay iyo in dhibaatada yar ee ku dhacda aanay u arkin arrin iska fudud oo ay ogaadaan in maanta dulqaadka ay u leeyihiin berri hoos u dhici doono xitaa mushkiladdii aan intii ka weynaan.

Inta uu fasalka soo galay ayaa uu kor u qaaday koob biyo ku jiraan, kadib ardaydiisii ayaa uu weydiiyey, “Intii uu idin la yahay culayska koobkan biyaha ahi?” Jawaabtii waxa ay noqotay in aanu ka cuslayn 20 illaa 500 oo giraam. Kadib waxa uu weydiiyey awoodda ay kor u qaadistiisu u baahan tahay, waxa aau mar kale sheegeen in aanay dadaal iyo xoog toona u baahnayn illeen waa koob biyo ah ee.

Macallinkii ayaa intaas kadib ardaydii u jawaabay oo yidhi, “Ha qiimayn culayska runta ah ee koobka, ee waxa aad qiimaysa muddada aad kor u haynayso, haddii aan daqiiqad kor u hayo, dhib ma yeelanayo, laakiin haddii aan kor u hayo culays ay gacantu i xanuunto ayuu igu keeayaa, laakiin haddii aan maalin dhan hayo, waxaaba dhici karta dhibta gacanta soo gaadha darteed in aad cisbitaal iila yaacdaan. Intaas oo xaaladoodba koobka miisaankiisu isma uu beddelin ee waa itii uu ahaauun, laakiin markasta  oo ay badato muddada aan kor u haynayo, waa uu ila sii cuslaanayaa”

Taasi waxa  ay ina tusaysaa in marka aynu dhibaatooyinka ina soo food saara, iyo culayska nolosheennaku yimaadda aynu dul qaad keliya uun ku waajahno, waxaa  iman doonta maalin aynu awoodi kari waayi doonno in aynu u sii dul qaadanno”