Hargeysa (Geeska)- Nin maalqabeen ahaa oo xikmad badnaa ayaa isaga oo doonaya in uu tijaabiyo damaca aadamaha waxa uu isugu yeedhay beeraleydii deegaankiisa, kadib mid ka mid ah ayaa uu u sheegay in uu siin doono dhul aad u weyn oo uu beerto.
Ninkii oo durbadiiba damac weyni ka galay dhul-beereedka weyn ee ninkan maalqabeenka ahi leeyahay ayaa weydiiyey cabbirka dhulka la siinayo, kadib waxa uu maalqabeenkii u sheegay in uu dhulkaas dhex lugeeyo, oo illaa halka uu socod kaga gaadho, kadibna uu dib ugu soo noqon karo halkii uu ka dhaqaaqay, in uu ku wareejiyonayo. Waxa uu u sheegay in shardiga ku xidhan in dhulkaa la siiyaa ay tahay in marka uu istaago halka uu doonayo in loo istaago uu dib ugu soo noqdo halkii uu ka dhaqaaqay inta aanay qorraxdu dhicin.
Ninkii beeraleyda ahaa oo aad u faaxsan ayaa socod aad u tallaabo dheerays ah ku dhaqaaqay, waxa uu doonayey in masaafadda ugu fog ee suurtogal ah uu gaadho si dhul weyn uu u helo. Markii uu muddo xawaare ku socday ee uu daalay ayaa uu istaagay, oo uu is yidhi intaasi kugu filan ee haddaba dib ugu noqo halkii aad ka soo dhaqaaqday.
Waa socodkii uu saaka waaberigii soo bilaabay, oo daal badan iyo gaajaba waa ay hayaan sidaa awgeed marnaba uma suurtogelayso in uu ku socdo xawaare la mid ah kii uu maanta oo dhan ku soo socday.
Intii taagtiisa ahayd soo socay isaga oo ilna kula socda qorraxda ku sii siqaysa godkeeda oo waqtiga ku yar awgeed uu mararka qaarkood moodayo in ay sidii hore ka dheeraynayso.
Aakhirkii isaga oo talax gabay oo tallaabada aan qaadi karin ayaa uu soo gaadhay goobtii lagu sugayey iyada oo qorraxdii cabbaar sii maqan tahay. Intii aanu istaaginbana waxaa loo sheegay warka uu iska sii ogaa oo ah in uu sidaa ku waayey dhulkii, waayo waxa uu ka soo bixi kari waayey shardigii ahaa in inta aanay qorraxdu dhicin uu ku soo noqdo halka uu socodka ka bilaabay.
Waa dersi muhiim ah oo inta tusaya faa’idada ay leedahay in qofku uu naftiisa ku qasbo in ay qaadato waxa ay awoodi karto in ay goosato uun, iskana jiro in uu damac qaado oo wax aanu awoodi karin uu u hanqal taago.