Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Ka Fikiray Wax Aanay Hore  Somaliland  Tiradaba Ugu Darsan!Cumar M. Faarax

0
717

Ka dib markii   ay  toddobaadkii hore sababo aan aad loo fasirin  dawladda Sucuudigu u joojisay xoolaha uga soo dhoofa  Soomaalida oo ay Somaliland-na ku jirto, isagoo taas ka duulaya  ayaa   madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  waxa uu  ku dhaqaaqay tallaabo  ah  inuu ka shaqeeyo sidii  qaran ahaan looga fikiri lahaa   in la hello  suuq labaad  oo loo  dhoofiyo  xoolaha Somaliland.

Maadaama oo  xoolaha Somaliland  ay   ku tiirsan yihiin  saylad   keliya oo ah Sucuudiga iyadoo   dalka labaad ee soo raacaa  uu yahay   Yeman-ta colaaduhu halakeeyeen oo iyana faro-guudkood qaadan jirtay,  taasina waxay  keeni kartaa    marka Sucuudigu  joojiyo   xoolaha  Somaliland    in  dhaqaalaha dalka ay ku dhici karto  in   inuu  yuurursado.

Waxaanu  madaxweyne Axmed Siilaanyo ka qarmi waayay inuu  qaado tallaabo weyn oo aanay   hortii  qaadin  madaxweyneyaashii  xukunka dalka soo maray ama aanay     ka fikirin oo ah in qorshe qaran laga yeesho sidii suuq labaad loogu heli lahaa dhoofka xoolaha nool ee Somaliland,  si looga badbaado in xayiraada  Sucuudigu  saaray  xoolaha ay  dalka ku keento saameyn taban oo dhaawacda kobicii dhaqaalaha.

 Madaxweynaha Somaliland, waxa uu Isniintii  todobaadkan xafiiskiisa  kulan kula yeeshay Wasiirrada xukuumadda ee qaddiyadani  khuseyso iyo ganacsatadda  reer Somaliland  ee xoolaha  nool dhoofiya. Waxaanu     warbixin dheer   ka dhegaystay Wasiirka  xanaanada Xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir  iyo ganacsatadda oo  uu ku qancay in xoolaha Somaliland  ay  caafimaad qabaan.

 Haddana  dawladda  Sucuudigu  ay  joojisay  Lo’  laga dhoofiyay dekadda Muqdisho ee dalka aynu jaarka nahay ee  Soomaaliya oo ay sheegeen inay xanuun ka heleen, arrintaasi oo aan Somaliland waxba ka khusaynin, hase yeeshee  saamaysay.

Kadib markii uu  madaxweynuhu  dhegaystay warbixinta wasiirka xanaanadda xoolaha ee la xidhiidhay bed-qabka xoolaha Somaliland,  madaxweynuhu  wuxuu magacaabay guddi  isku dhaf ah oo ka kooban 5 Ganacsade oo  ka mid ah kuwa Xoolaha nool dhoofiya iyo 4 Wasiirr oo  kala ah  wasiirrada  Xanaanada xoolaha, was Ganacsiga,   Arrimaha dibadda iyo  Maaliyadda. Waxaanu   Guddidan isku-dhafka ah u xil-saaray   inay   qabtaan  laba waajibaad oo aan kala dhicin  oo waaweyn, kuwaasi  oo kala ah:-

1: Madaxweynuhu wuxuu u igmaday  xubnahan  Wasiirrada iyo Ganacsatada ah  inay ka shaqeeyaan oo ay  si dhab ah oo qoto dheer   uga hawl-galaan sidii Xoolaha dib loogu furi lahaa.

 2: In la raadiyo suuqyo kale  oo  Xoolaha Somaliland  mustaqbalka loo iib-geyn karo.

 Go’aankaas cad ee madaxweynuhu qaatay, waxaa  niyadsami ku soo dhaweeyay aqlabiyada bulshadda Somaliland ee khaatiga ka jooga in xoolaha iibkoodu uu si dabiici ah ugu xidhanaado  Sucuudiga oo kaliya, taasi-na ay ka dhalan karto inuu saacadda uu doono joojiyo , xiliga uu jeclaadana dib u furo maadaama oo aanu ka cabsi qabin tartan ay kula galaan iibka xoolaha dalal kale.

Geesta kale wakaaladaha  wararka ee caalamiga ah  waxay  ku qiyaaseen  in  nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Somaliland ku tiirsan yihiin  xoolaha nool 70%. moosinka xajka oo kaliya waxa Marsada Berbera ka dhoofa  hal milyan oo   neef oo xoolo ah. Miisaaniyadii ugu dambaysay ee xukuumadda dhexe ee sannadkan  2016, waxa  iibka xoolaha ka soo xarooday  $15 Milyan. Halkaas waxaan ka suureyn karnaa  sida xooluhu u yihiin lafdhabarta dhaqaalaha Somaliland.

Guddidan, waxa looga fadhiyaa inay maskaxda tuujiyaan oo ay ka soo dhalaalaan labada qoddob  ee muhiimka ah  ee madaxweynuhu u xushay oo ay xooga saaraan inay raadiyaan saylado kale oo xoolaheenna loo dhoofiyo iyo inay tallo waafiya ka bixiyaan qorshe hilibka lagu warshadeyn karo oo dibada loogu waaridi karo mustaqbalka. Waxa kaloo hortaalla inay ILAAHAY la kaashadaan iyo bulshadda Somaliland ee aqoonta u leh mowduucan qaran ee daruuriga ah.

Ugu dambeyntii, waxaan ku bogaadinayaa madaxweynaha Somaliland tallaabadan wax ku oolka ah ee uu qaaday oo aanay hore tiradaba ugu darsan jirin madaxweyneyaashii isaga ka horeeyay oo ah in aynu hindisno sidii aynu uga ilbixi lahayn suuq keliya ee ay  waligeen xoolaheenu ajburnaayeen.

Sidoo kale  bulshadda Somaliland ee ku kala nool daafaha caalamka ayaa iyaga-na looga baahan yahay inaanay tallada iyo tusaalaha ku bakhaylin oo ay noqdaan sidii ay horeba dal jireyaasha u ahaayeen inay Guddida ku soo kordhiyaan macluumaad la xidhiidha suuq raadintan cusub ee qarankeenu u sahan tegayo.

Cumar Maxamed Faarax

cumarmfaarax@hotmail.com