Maanta Aan Muuse Biixi Doorano, Waa Maalintiisiye Maxamed Aw Cali Yuusuf

0
750

Waxa iangu soo socota doorashadii madaxtooyada oo ah march 2017, waxaana tartamaya saddexda murashax ee kala ah Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Faysal Cali Waraabe.

Anigu waxaan arkaa in Muuse Biixi yahay murashaxa ku haboon ee mudan inuu Somaliland hoggaamiyo, marka la eego sifooyin badan. Muuse waa marka koowaad’e wuxuu ka soo qayb qaatay halgankii SNM, waxaanu geed geed iyo guri guri u garanayaa reer Somaliland waxay gudaan iyo waxay garanayaan.

Marka labaad, Muuse Biixi waa hoggaamiye adag oo ay Somaliland u baahantahay wakhtigan adag, waxaanu dalka ka saari karaa xaaladda adag ee uu ku jiro.

Sidaas daraadeed, waxaan shacabka reer Somaliland ugu baaqayaa inay doorashada ku taageeraan guddoomiye Muuse Biixi oo in badan u soo dhabar adaygay Somaliland, wax badana soo gashaday islamarkaana dhiigiisa u daadiyay.

Haddii aan maanta Muuse Biixi dooran weyno, waxa waxba kama jiraan ah halgankeenii, waayo waa inaan tixgelinaa mujaahidka dhiigiisa inoo daadiyay si aan xorriyad ugu noolaano.

Maxamed Aw Cali Yuusuf