Telesom Oo Adeegyadeeda Ku Soo Bandhigtay Carwada Hargeysa

0
707

Picture3Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa shalay si heersare carwada lixaad ee Somaliland ugu soo bandhigtay adeegyadeeda ay umadda u qabato.

Carwada lixaad oo uu shalay si rasmi ah u furay madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici) waxa shirkadaha sida weyn uga dhex muuqday ka mid ah shirkadda Telesom. Mr. Maxamed Axmed Cabdi (Darbo) oo ah ku xigeenka madaxa iibka iyo suuqgaynta Telesom oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay adeegyada ay shirkadu shacabka u qabato. “sanadkan Bandhiggan carwada waxaanu kaga soo qaygalay  magaca Telesom Group run ahaantii shirkadda Telesom waa shirkaddii ugu horeysay ee wadankan ka hana qaaday marka laga hadlayo waxa -wada lahaan shaha-layidhaado”

Mr Darbo isaga oo hadalkiisa sii wata waxa  uu yidhi “runtii wada lahaanshahaa waa lagu macaashay waxaana shuraaku ku ah in ka badan 1500 oo qof oo reer Somaliland ah oo dalka gudihiisa jooga ama dibadahaba ku maqan”

Dhanka kalana ku xu xigeenka Madax Iibka iyo suuqyenta Mr Darbo waxa uu mid mid uga waramay waaxyaha ay ka koobantahay Telesom Group waxaanu yidhi “Baanka Salam oo aad ogtihiin inuu yahay mid waxbadan ka qabtay adeegga dadweynaha isla markaana  ku shaqeeya nidaamka islaamiga ah isla kaas oo aad uga barateen inuu isugu kiin xidhay adeegyo kaladuwan oo uu kamid yahay adeegga Kaafi la yidhaado” ayuu yidhi.

Sidoo kale Mr Darbo waxa uu sheegay inay dadku lacagahooda sidii Jeegg ahaan oo kale kagala bixikaraan Baanka Salaam “markasta oo aad doontaan Baanka Salaam waxaad lacagihiina kagala bixi kartaan Jeegga” ayuu yidhi Maxamed Axmed Cabdi [Darbo] Mr Darbo waxa oo Iyana ka hadlay shirkadda Somgas oo uu yidhi,  “waxaa kale oo aanu maanta  meensha keenay shirkadda SOMGAS oo ah mid aanu ugu talo galay istaraatiijiyadda fogg inaanu ka dhino mustaqbalka shirkadda ugu weyn ee wadamada Gaaska  Bariga Africa oo dhan ka Iibin doonta Gaaska”

Mr Darbo waxa uu sheegay inay qorshaynayaan ka SOMGAS ahaan inay hoos u dhigaan qiimaha dhuxusha lagu kala Iibsado suuqyada Somaliland kadib marka ay ku baahiyaan adeegga Somgas kaas oo ka jabnaan doona qiimaha dhuxusha la siisto wakhdigan xaadirka ah mar uu arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “adeega Somgas waxaanu  ugu talo galay inuu kajabnaan doono dhuxusha qiimaheeda.”

Shirkadda Telesom waxa ay ugu dambayn halkaas shahaado sharaf ku guddoonsiisay Madaxweyne ku igeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, iyagoo sheegay inay xukuumadda Somaliland shahaadadaas ku mutaysatay waxyaabaha badan ee ay dalka ka qabteen,  “goor gaaban hadalkeed-na gaaban hadana waxaanu ka shirkad ahaan Madaxweyne kuxigeenka gudoonsiinaynaa shahaado sharafeed ay ku mutaysteen waxqabad koodii fiicnaa 3 dii sano ee ay talada hayeen iyo inay fuliyeen balan qaadyadii ay ku balan qaadeen markii ay mucaaradka ahaayeen ku soo dhawaw Madaxweye ku xigeen shahaado sharafta.” Sidaas ayay Telesom ku tidhi hadalkeeda.