Carruurta Dugsiyada Looga Yaqaanno Saaqidiinta Badankoodu Waxa Ay Qabaan Dhibaato Dhinaca Aragga Ah Oo Aanu Waalidkood Ku Ogeyn Ama Aanu Ka Daweyn

33
3162

Hargeysa (Geeska)- Dhibaatooyinka dhinaca aragga ah ee aan la daweyn karayn waxa dhaqaalaha adduunka sannad kasta kaga khasaara lacag dhan 200 bilyan oo doolarka Maraykanka. Tirakoobyada ugu dambeeyeyna waxa ay muujinayaan in dad tiradoodu ka badan tahay hal Bilyan oo daafaha dunida ku dhaqani ay u baahan yihiin muraayadda indhaha, laakiin aanay sababo dhaqaale awgood u iibsan karin. Iyada oo ay tirakoobyada qaarkood qiyaasayaan in tiradu ay gaadhayso ku dhowaad 2 bilyan iyo badh qof, oo ay ka mid yihiin saddex kun oo ka mid ah darawaliinta baabuurta xamuulka ee dalka Nigeria, kuwaas oo la ogaaday in araggooda fogi uu lunsan yahay, sidaa awgeed ay dadaal dhib badan iyo feejignaan sare la la yimaaddaan si ay u arkaan dhaqdhaqaaqa jidadka ay ku socdaalayaan. Waxa kale oo iyaguna ka mid ah dadka bunka beera ee dalka Bolivia, kuwaas oo aragdarrada haysa awgood ay badh badan oo ka mid ahi guri kari waayaan midhaha bunka ee bislaaday.

Waxaa iyaguna jira tobannaan milyan oo ka mid ah carruurta ku dhaqan dunida oo aanay qoysaskoodu awoodi karin in ay u sameeyaan baadhitaanka aragga indhaha, isla markaana aanay u iibin karayn muuraayadaha aragga si ay ugu suurtagasho in ay waxbarashada si fiican u wataan.

Coven Naidoo oo ah agaasimaha caalamiga ah ee hay’adda ‘Aragga ubadkeenna’ (Our Childhern Vision) ayaa mar uu ka hadlay dhibaatada awoodis la’aanta muraayadda aragga waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “In badan oo ka mid ah carruurta dugsiyada looga yaqaanno saaqidiinta, doqmaha ama in ay ku liitaan waxbarashada, sababtaas awgeedna aan laga filayn in ay horumar ka sameeyaan dugsiga. Waa carruurta u baahan muraayadda indhaha ee waalidkood u awoodi waayey in uu u iibiyo ama in uu shaybaadho oo ogaado awoodda araggooda”

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska caanka ah ee New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in sannadkii 2015 ka oo keliya ay hay’addani 37 Milyan oo doolar ku bixisay in ay muraayado bilaash ah siiso dadka dunida soo koraysa, laakiin boqolkiiba 1 keliya ayaa ay ka noqonaysaa dhaqaalaha loo qoondeeyey wax ka qabashada caafimaadka dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here