Carruurta Dalka Muriteeniya Oo Samaysatay Baarlamaan Iyo Qaabka Ay U Soo Xusheen Xildhibaannadda Golahan

0
592

Picture10Nawakshot (Geeska)- Faadumo Maxammed Maxamuud oo ah Inanta yar ee loo dortay in ay noqoto Guddoomiyaha golaha baaralamanka carruurta ee Dalka Muriteeniya ayaa tidhi, “Baarlamankani waxa uu noqon doono dugsi dimuqraadiyadeed oo lagu tababaro jiilalka soo socdaa sidii ay mustaqbalka u gudan kari lahaayeen waajibaadkooda iyo in lagu tababaro dhaqanka sinnaanta iyo caddaaladda” Golahan Baarlamanka oo loo yaqaanno Golaha Koowaad ee Baarlamanka Muriteeniya ayaa yeeshay kulan gaar ah oo loogu talo-galay in lagu doorto Qaybaha iyo Guddiyada baarlamanka carruurta ee dalkan oo dhowaan la doortay.

Shuruucda Baarlamankan waxa la waafajiyay Xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda ubadka, xildhibaannada goluhuna waxa ay ka kooban yihiin 42 Carruur ah oo saamiga lagu soo doortayna uu yahay in laba Carruur ah laga soo doorto gobol kasta iyo Siddeed iyo Toban Laga soo doorto Caasimadda.

Nidaamka ah in la sameeyo gole baarlamaan carruureed ama dalalka qaarkood dhalinyaro oo tobankii sano ee u dambeeyey dunida aad ugu soo badanaya, ayaa ah hab carruurta iyo dhalinyaradaba lagu barayo nidaamka dowladnimo, dood wadaagta, falanqaynta arrimaha muhiimka ah, amarka iyo kala dambaynta iyo in ay golayaashani noqdaan dugsiyo tababar oo ilmaha ama ruuxa dhalinyarada ahi uu ku fahmo in cod lagu kala baxo, cidda codkaas heshana lagu ixtiraamo isla markaana aan laga tegin inta codka lagaga badiyey.

Inta badan ee dalalka adduunka ayaa labadan gole midkood ama labadaba leh, waana gole shacbi ah oo aan lahayn awood dastuuri ah iyo sharci rasmi ah, balse gole kaste marka la soo doorto waxa uu iska dhex doortaa maamul iyo guddiyo waxa aanu samaystaa xeer-hoosaad iyo shuruuc uu ku kala baxo, sidoo kale waxa uu leeyahay culays siyaasi ah oo mararka qaarkood xukuumadda ama maamulka dowladeed ee dalka ku qasbi kara in uu fuliyo arrimo dan u ah dhalinyarada iyo arrimaha bulshada ee dalka iyo in ay naqdiyaan go’aamo iyo xeerar dhalinyarada iyo arrimaha bulshada khuseeya oo ka soo baxay dowladda ama golaha dhiggooda ah ee isagu dastuuriga ah.