Beesha Habar Gidir (Hawiye) Oo Maraykanka Ka Bilodway Dacwad Ay Kaga Doonayso Caawimo Dhaqaale

0
821

Picture1Washington (Geeska)- Beesha Habar Gidir oo ka tirsan qabiilka Hawiyaha ee Soomaaliya ayaa qabsaday qareen Maraykan ah oo ay doonayaan in uu dowladda dalkaas ku qanciyo in caawimooyinka ay siinayaan Soomaaliya iyaga saami ka gaar ah dadka kale laga siiyo.

Saxafiga Katie Glueck oo warbixin arrintan la xidhiidha salaasadii dorraad 23ka December 2014 ku faafiyey majaladda caanka ah ee Politico oo ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa sheegay in dadka rayidka ah ee Habar-gidir (Hawiye) uu Khasaare toos ahi ka soo gaadhay hawlgalkii ciidamada Maraykanku ay ka fuliyeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sannadkii 1993kii. Majaladdan oo ka faalloota arrimaha siyaasaddu waxa ay warbixintan ku sheegtay in rag ka tirsan Jilibkani ay dhowaan qareen u dooda ka kiraysten magaalada Washington ee xarunta Maraykanka. Qareenkan oo lagu magacaabo Steven Schneebaum ayaa mar uu la hadlay majaladdan uu wargeyska Geeska Afrika soo xiganayo waxa uu sheegay in jilibka Habar Gidir uu doonayo in uu dib u soo nooleeyo xidhiidhka uu la lahaa dowladda Maraykanka iyo in ay dowladda Maraykanka ka helaan caawimo lacageed oo ay ku taageeraan dadkooda ku dhaqan gudaha Soomaaliya. Steven Schneebaum waxa uu ku adkaystay in lacagta ay Habar-Gidir doonaysaa aanay ahayn magdhow ama lacag shardi u ah in dib loo wanaajiyo xidhiidhka beesha iyo Maraykanka, balse waxa uu ku sheegay in Habar-gidir ay doonayso in ay Maraykanka ka hesho caawimo dhaqaale, taas oo uu qareenku ku dooday in beeshan oo uu Maraykanku taageeraa ay tahay maal-gashi caqli ku dhisan.

“Waa dad anshax wanaagooda muujiyey, muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay dhowaraan qiyamka Maraykanka” ayaa uu qareenkani ku yidhi majalladda Politico, isaga oo intaas ku sii daray, “Dhib weyn ayaa soo gaadhay, sidaa awgeed waa ay u qalmaan in la siiyo caawimo kasta oo uu Maraykanku ugu talogalay soo celinta iyo kobcinta bulshada rayidka ah ee Soomaaliya” Waxase uu qareenku intaas ku sii daray hadal u eeg in uu Maraykanka xasuusinayo in qabiilkani ay yihiin kuwo ciidamo Maraykan ahi dhib u geysteen, waxa aanu yidhi, “Waxa aanu ka hadlaynaa ma’aha in ay magdhow ka bixiyaan dhaawacii loo geystay” isaga oo arrintaas saxafigu warbixinta diyaariyey sii iftiiminayana waxa uu sheegay in Maraykanku uu Soomaaliya farogelin ku sameeyey intii u dhaxaysay sannadihii 1992kii illaa 1994kii, farogelintaas oo bilowgii ahayd dadaal bani’aadamnimo laakiin markii dambe isu beddeshay hawlgal milateri.

Warbixintan majalladda Politico waxa kale oo lagu sheegay in, dadka caanka ah ee jilibka Habar-gidir ay ka mid yihiin, hoggaamiye kooxeed Maxamd Faarax Caydiid, oo dagaal adag kala horyimi ciidamadii Maraykanka iyo Qaramada Midoobey ee isku dayayey in ay qabtaan Janaraalka, waxa aanu dagaalkaasi ku soo af-meermay is-ku-dhac bishii Oktoobar 1993kii magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada Maraykanka iyo Soomaali hubaysan, kaas oo ay ku dhinteen 18 askari oo Maraykan ah iyo boqollaal Soomaali ahi.

Qareen Steve Scheneebaum oo hoosta ka xariiqay in dagaalkaas ay hadda ka soo wareegtay in ka badan 20 sano, Soomaaliyana ay sannadihii u dambeeyey horumar ka samaysay dib-dhiska dowladda dhexe, in kasta oo ay weli la tacaalayso maleeshiyooyin Islaamiyiin ah iyo dagaallo kale.

Qareenka u doodaya Habar-gidir (Hawiye) oo ka jawaabaya dareenka ah in ay arrintani noqon karto hab dadban oo lagu wanaajinayo sawirka uu Maraykanku ka haysto Janaraal Caydiid (AHUN) ayaa waxaa hadalladiisan Geeska Afrika soo turjumay ka mid ahaa, “Annagu ma’ nihin dad isku deyaya in ay dib u soo qurxiyaan sawirkiisii, iyo in aanu dib u soo celinno muhiimad loo yeelayo qolfoofkiisa, laakiin keliya waxa aanu leenahay, berigaasi beri ayaa ay ahayd oo waa laga yimi, imikana waa waqti kale”

Steven Schneebaum oo ah qareen caan ah oo lagu yaqaanno in cidda uu u shaqeeyo uu saacaddii keliya ka qaado lacag dhan $640 ayaa sheegay in uu hawshiisa la xidhiidha arrintan marka hore ka bilaabayo in uu xoogga saaro sidii uu golaha xukuumadda (Aqalka Cad) ugu koobi lahaa dacwadda jilibkan Habar-gidir ee ah in tixgelin gaar ah lagu siiyo caawimada dhaqaale ay bixiso wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka oo soo marisa USAID iyo haayado kale, laakiin meesha kama’ uu saarin in haddii aanu taas ku guulaysan uu dacwaddan sidoo kale kala hadli doono golaha Kongareeska Maraykanka. “Mawqifkaygu waa, Habar-gidir waa jilib uu dhaawac aad u weyni soo gaadhay, laakiin caawimada ay dowladda Maraykanka ka doonayaan kuma’ salaysna xaqiiqada dhaawacaas weyn ee soo gaadhay” ayaa uu yidhi qareen Steven oo intaas ku sii daray, “Macnaheedu waxa weeye in ay taageere u yihiin Maraykanka (Oo wax yeelleeyey), in aanay ku lug yeelan arrimaha argagaxisada (Si ay uga aargoostaan), iyo in ay yihiin dad nabadda jecel sharcigana u hoggaansama”