Saddex Nooc Oo Sharaabka Ka Mid Ah Ayaa Kor U Qaada Fariidnimada Qofka

0
758

Hargeysa (Geeska)- Xeel-dheerayaasha nafaqaynta iyo faa’idooyinka caafimaad ee cuntada ayaa baadhitaanno ay muddo wadeen kadib soo bandhigay noocyo ka mid ah sharaabka oo ay sheegeen in ay faa’idooyin badan u leeyihiin guud ahaan caafimaadka iyo si gaar ah caafimaadka maskaxda oo ay weliba sheegeen in uu kor u qaado heerka garaadka iyo fariidnimada qofka. Khubaradani waxa ay ku taliyeen in sharaabkan ay u baahan yihiin guud ahaan dadku gaar ahaanna ardayda oo ay sheegeen in ay kor u qaadayaan heerka fahamkooda iyo noloshooda gaarka ah ee dhinaca waxbarashada.

Wargeyska Geeska Afrika oo mar kasta u taagan in uu akhristayaashiisa xushmadda ka mudan la wadaago waxa faa’idada u leh nolosha iyo caafimaadka iyo mawduucyada xiisaha leh ayaa qormadan ku soo bandhigaya Saddex ka mid ah sharaabbadan ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay xoojiyaan awoodda shaqo ee maskaxda korna u qaadaan fariidnimada, waxa aanay yihiin:

1. Casiirka Rummaanka: Rummaanka waxaa ku jira maaddooyin badan oo liddi ku ah sunta khatarta ku ah maskaxda, daraasado cilmi ah oo lagu sameeyeyna waxaa lagu ogaaday in sharaabka Rummaanku uu wanaajiyo garaadka, iy oxusuusta qofka maalin kasta hal koob ka cabba, isla markaana uu kordhiyo heerka fariidnimo ee qofka.

2. Shaaha: Guud ahaanba noocyada shaaha, oo uu ka mid yahay shaaha madow iyo shaaha cagaaran ayaa ay khubarada nafaqayntu sheegeen in ay ku jirto antioxidant xoojiya xusuusta. Xeeldherayaashu waxa ay ku taliyeen in qofku uu maalintii cabbo koob ama laba shaah ah oo ay sheegeen in ay si fiican u firfircoonaynayaan maskaxdiisa iyo heerka fahamkiisa.

3. Muudka Qolofalka: Daraasado caafimaad ayaa daahfurtay in wax yaabaha uu ka kooban yahay geedka qolofalka ay ka mid yihiin kuwo caafimaadka maskaxda u fiican. Xeeldheerayaasha nafaqaynta iyo faa’idooyinka cuntada ee arrintan u kuur galay ayaa shegaya in qolofalku uu ka hortag fiican u yahay xanuunno badan oo maskaxda ku dhaca, kuwaas oo inta badan soo daahira marka uu qofku weynaado.