Somali Dhaawacyo Gaadhay Dartood Magdhow Ka Doonaya Ingiriiska

0
640

 

London (Geeska/DM)- Nin Soomaali ah oo magangelyo doon ah ayaa mushkilado ay ku keeneen baadhitaano dembiyo lagu eedeyey awgood sheegay inuu ku dacweynayo siinta magdhow dalka Ingiriiska, isagoo ku dooday inuu werwer ka qaaday.

Ninka aoo magaciis ala yidhaahdo cabdiraxmaan Cajab, ayaa sheegay inuu ka doonayo magdhow gaadhaya £50,000, oo laga siiyo dhibaatooyin maskaxeed oo ka soo gaadhay muddo sideed bilood uu xidhnaa.

Cajab oo 30 jir ah, ayaa falal tuugo ah hore loogu eedeeyey, ayaa la sheegay in garsoore maxkamada sare xukumay inaan la masaafurin, loona ogolaaday guri uu ka dego Tower hamlet, sida jariidada Sun qortay. “Xukuumadu six un ayey iila dhaqmaysay sannado badan. Waxay igu abuureen dhibaatooyin maskaxeed. Waxaan ka qaaday riyooyin. Iyagaa masuul ka ah.” Ayuu sheegay Cajab.

Cajab, oo la sheegay inuu degenaa Ingiriiska ilaa 1996, aya asheegay inuu kaga iibsan doono dhul Soomaaliya magdhowga la siiyo, isla markaana doonayo inuu ku laabto dalkiisa, laakiin, xukuumadu ka hortaagan tahay.

Dhinaca kale, hadal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay, “Si weyn ayaan u soo dhoweynaynaa inuu tago.”