Wasiirka Caafimaadka Oo Booqasho Ku Tagay Boorama

0
511

Boorama(Geeska):-Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Md:Saleebaan Ciise Axmed (Xagla’toosiye), ayaa xadhiga ka jaray qayb cusub oo loogu talo galay hooyada iyo dhalaanka isla mar ahaantaana lagu kordhiyey dhakhtarka weyn ee magaalada Boorama.

Qaybtan cusub ee loogu talo galay hooyada iyo dhalaanka, ayaa waxaa maal galisay dhismaheeda hay’adda Unicef, waxaana munaasibadii xadhiga ka jarida ka soo qayb galay wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr:Saleebaan Ciise Axmed Xagla’toosiye, agaasimaha guud ee cisbitaalka boorama Md:Ismaaciil X.Muxumed, masuuliyiin sar sare oo ka socday hay’adda Unicef, iyo qaar ka mid ah hawl wadeenada cisbitaalka weyn ee magaalada Boorama.

Waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee cisbitaalka weyn ee magaalada Boorama Md:Ismaaciil X.Muxumed, waxaana uu yidhi: “Waadhka ay hay’adda Unicef noo dhistay, waan uu uga mahad celinaynaa iyo hay’adda SA aad baan idiin wada salaamay  go’aan kaasi waxa uu ahaa hirgalin ta mashruuc lasoo bilaabay 2011 mashruucaasi waxa uu ku saab sanaa xaga dhalmada oo laga hir galinaayey in ta badan degmada boorama iyo dila 7MSEJ.” Ayuu yidhi Ismaaciil X.Muxumed

Mr:Steven oo ahaa mas’uul sare oo ka socday hay’adda Unicef oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu yidhi: “Waadhkii ciyaalka in aynu xadhiga ka jarnaa farxad bay ii tahay, idinkana farxad bay idiin tahay anigoo kusoo dhawaynaaya wasiirka wasaarada caafimaadaka  waxa aan jeclahay waadhku inuu noqdo waadh wanaagsan oo ay bishii ku dhashaan  130caruura, waadhka waa in laga helaa waxii halkii ay hooyadu ku nasan lahay marka ay umusho  barigii hore  hal meel bay ku umulaysay hooyadu, laakiin hada lix hooyo ayaa hal mar ku umuli kara, taasi waxa ay tay guul wayn oo usoo hooyatay wasaarada caafimaadka ee soomalilad. Hay’adda Unicef waa ay dhistay waana ay qalabaysay, hadana waxa ay ku wareejisay wasaarada caafimaadka Unicef.”Ayuu yidhi Mr:Steven.

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Md:Saleebaan Ciise Axmed(Xagla’toosiye), waxaana uu si aada uga mahad celiyey hay’adda Unicef suurta galintan qaybtan cusub ee loogu talo galay hooyada iyo dhalaanka, isaga oo tilmaamay in ay ka qayb qaadanayso yaraynta dhimashada hooyada iyo dhalaanka.

“Waxa aan ku farxasanahay in aan kasoo qayb galo furitaanka lagu daah furaayey xadhigan lagaga jaraayey waadhkan dumarku ku uumulaayaan, waa waadh casriya waa waadh qalab fiican yaalo iyo meeshii marka ay dumarku dhalaan ay ku nasanaayeen , waxa aan u mahad celinayaa Unicef oo hawshaa suuro galisay  iyo haayadii samay say hawshan  dhamaan tood waan umahad celinayaa ,waxaana aan rajaynayaa in uu noqdo waadh ay ka faa’idaysataan  dadka reer Awdal, wasaaradu waxa ay diyaar u u tahay in ay yarayso dhimashada hooyada iyo ilmaha , waadhkanina waxa uu ka qayb qaadan doonaa yaraynta dhimashada hooyada iyo dhalaanka aadbay u mahadasan tahay hay’adda Unicef.”Ayuu yidhi Dr:Saleebaan Ciise Axmed(Xagla’toosiye).