Calaamadaha Muddo Kordhin Loo Samaynayo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wacadkii Laga Qoray Ee Uu Shacbiga U Qaaday 30 January 2013

0
631

Picture6Hargeysa(Geeska)-Muddooyinkan dambe waxa soo baxaya hadalo iyo calaamado tilmaamaya in Madaxweynaha loo samayn doono muddo kordhin, iyadoo ay shantii  sano ee loo doortay hoggaaminta Somaliland ku eegtahay bisha June ee sannadkan.

Xisbiyada mucaaradka ayaa aad uga diga muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay ku baaqaan in doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka lagu qabto wakhtiga loogu tallo galay oo ah 26 June 2015.

Hase yeeshee dadka siyaasadda odorosa ayaa aaminsan inaanay suurtogal ahayn in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto marka la isu eego wakhtiga kooban ee ka hadhay wakhtigeedii iyo  hawsha baaxada leh ee aanay ciddi weli u dhaqaaqin. Sidoo kale marka loo eego muddaynta xeerka doorashada ee la xidhiidha diiwaangelinta iyo qabashada doroashada ayaa muuqata in aanay suurtogal ahayn muddada u hadhay madaxweyne Siilaanyo oo ah 140 maalmood oo keliya. Si kastaba ha ahaato ee madaxweyne Siilaanyo ayaa illaa hadda ku adkaysanaya in doorashadu ay waqtigeeda ku dhici doonto, waxa aanay dad badani xasuusan yihiin balan qadkii badheedhaha ahaa ee khudbadii uu Madaxweyne Siilaanyo 30 January 2013 u jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka uu si adag ugu sheegay inaanu diyaar u ahayn in maalin loogu darro muddo xileedka distooriga ah ee ay shacabku doorteen oo ah shan sannadood. Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigaas aanay jirin cid ka dalbatay amaba ku dirqiday inuu ka hadlo muddo kordhin, wuxuu isagoo la hadlaya labada gole uu yidhi “Sidaad ka war haysaan waxaan ahaa hogaamiye ka soo horjeesta korodhinta mudo xileedka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka , marka la gaadho dhamaadka muddo xileedkooda, mana jirto wax iska kay bedelay, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan diyaar u ahayn in hal maalin ah la iigu daro muddo xileedkayga dastuuriga ah.” Hadalka madaxweynaha ayaa ah hadal cad oo ka soo yeedhay hoggaamiye ay umadi dooratay, waxaana Madaxweyne  Siilaanyo maalintaas u muuqday inuu doorashada wakhtigeeda ku qabto, isagoo caddeeyay inuu muddo kordhinta ka soo horjeeday markii uu mucaaradka ahaa ilaa hadda oo uu Madaxweyne yahayna aaminsanyahay fikirka saska ah ee ay bulshada badankeedu ka qabaan, taas oo ah in muddo kordhintu ay dhaawacayso hannaanka geedi socod ee Dimuqraadiyadda Somaliland. Dad badan oo ka faallooda siyaasadda Somaliland ayaa iyaguna aaminsan in madaxweyne Siilaanyo oo ka baxa wacadkaas uu hore ugu qaaday in uu doorashada waqtigeeda ku qabtaa,  ay dhaawac ku tahay sumcaddiisa hoggaamiyenimo, isla markaana ay wiiqayso kalsoonida ay dadku ugu codeeyeen iyaga oo ka rajaynayey in muddada uu xilka hayo uu meel sare gaadhsiin doono dimuqraadiyadda iyo maamulwanaagga Somaliland.