Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Warbixin Uu U Gudbiyay Golaha Ammaanka Kaga Hadlay Xiisadii Sannadkii Hore Dhexmartay Cabdiraxmaan Cirro Iyo Xukuumadda

0
527

Picture7Hargeysa(Geeska)-Warbixintii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon ee uu saddexdii biloodba u gudbiyo  golaha ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa wuxuu kaga hadlay xiisadihii siyaasadeed ee dhammaadkii sannadkii 2014 ka dhacay Somaliland.

Warbixintan oo uu Ban Ki Moon wada jir ugaga hadlay Somaliland iyo Somaliya, wuxuu gudbiyay 23 Janaury 2015, waxaanu dhinaca Somaliland aad uga hadlay xiisadii siyaasadeed ee bishii November ka dhex qaraxday guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo xukuumadda Somaliland, waxaanu xoghayaha guud soo qaatay xadhiga xildhibaanadii ka tirsanaa golaha wakiilada.  “Somaliland iyadoo lagu jiro diyaar garowga doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee sannadka 2015 xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya dawladda iyo mucaaradka ayaa sii xoojiyay dib u dhaca ansixinta guddiga doorashooyinka Somaliland iyo ansixinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo madaniga. 15-kii bishii November xubnaha Baarlamaanka ugu jira xisbiga KULMIYE  ayaa soo dhigay maamuus ka xayuubin ka dhan ah guddoomiyaha  golaha wakiilada Md. Cirro oo ka soo jeeda xisbiga Waddani ee mucaaradka ah. Arrintaasi waxay dhalisay falal amni darro oo ay ka mid ahaayeen xadhig kooban oo lagula kacay xubno Baarlamaanka ka tirsan iyo mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay magaalooyin kale oo Somaliland ah.  Xiisadii si deg deg ah ayaa loo dejiyay, waxaanay Baarlamaanku 29 November ansixiyeen guddiga doorashooyinka, iyadoo guddiga doorashooyinkuna xafiiska la wareegay 7 December.” Ayuu xoghayaha guud ku yidhi warbixintiisa.

Wuxuu xoghayaha guud sheegay in gobalada galbeedka Somaliland ay degenyhiin balse ay gobalada bari ka muuqato xasarad joogto ahi, “Deegaanada galbeed ee Somaliland waxay ku jiraan xasilooni buuxda, halka ay gobalada Sool iyo Sanaag ay haystaan isku dhacyo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaadka taageera Khaatumo. “

Xoghayaha guud wuxuu warbixintiisa ku sheegay in ciidamada ammaanka Somaliland ay horaantii bishii September ee kal hore qaadeen hawlgalo ka dhan ah Al-Shabaab iyo dhallinyarada, waxaanu yidhi  “Ciidamada ammaanka Somaliland waxa ay Hargeysa iyo Boorama ka  fuliyeen hawlgalo ka dhan ah –Al-Shabaab iyo dhallinyarada gaangiska ah 8 iyo 9 September, taas oo sababtay xadhiga 15 dhallinyaro ah.”

Dhinaca horumarka waxa uu xoghayaha guud soo qaatay shirkii dhawaan Hargeysa ku qabsoomay ee uu qaban qaabiyay wasiirka qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire ee lagaga hadlay mucaawiyooyinka Somaliland, kaas oo uu tilmaamay Mr. Ban Ki Moon inuu ahaa shir muhiim ah.