Cadhada Badan Oo La Iska Ilaaliyaa Waxa Ay Qofka Ka Badbaadisaa Cudurrada Wadnaha Ku Dhaca

0
1007

Berlin (Geeska)- Dardaarranada uu Nebigeennii Muxammed (SCW) inooga tegey waxaa ka mid ahaa in aynaan cadhoonin. Tan iyo markii ay taladaas “Ha, Cadhoon” ee Nebigeennu ina siiyey ka dambaysay waxaa si joogto ah u soo baxa natiijada daraasado kala duwan oo dhammaantood isku waafaqsan khataraha caafimaad ee ku jira, cadhada badan, gaar ahaan in ay wadne xanuun keento.

Daraasadahaas waxaa udambeeyey mid dhowaan ay sameeyeen aqoonyahanno caafimaad oo ka tirsan Jaamacadda Munich ee dalka Germany ayaa dhowaan ogaaday muhiimadda ay cadho la’aantu u leedahay caafimaadka Wadnaha iyo Halbawlayaasha Dhiiga. Waxa ay dhakhaatiirtani caddeeyeen marka uu qofku cadhoodo in ay xidhmaan, Qalallaan ama ay cidhiidhi noqdaan halbawlayaasha dhiigga geeya iyo kuwa ka keena wadnaha, arrintani waxa ay keentaa in uu joogsado ama uu yaraado dhiiga maraya, haddii ay taasi dhacdana waxa ay halis u tahay in ay keento dhibaatooyin wadnaha gaadha.

Sida ay khubaradani qabaan waxa ay dhibaatadani si gaar ah ugu badan tahay dadka Cadhada badan iyo kuwa Gooni socodka ah ama xidhiidh fiican aan la lahayn qoysaskooda iyo asxaabtooda. Waxa ay arrintan ku soo uruuriyeen in dadku sida ay u kala cadho badan yihiin ay ugu kala dhow yihiin wadne Xanuunka, waxaana si gaar ah loo xusay in dadka shaqaalaha ahi ay ugu daran yihiin.