Qisada Geedkii Uu Ka Bilowday Cudurka Ebola Iyo Wiilkii Uu Ku Bilowday

0
841

Conakry (Geeska)- Wiilkii laba jirka ahaa ee dhimashadiisu ay bilow u ahayd qaraaxa cudurka Ebola ee hadda faraha baas ku haya galbeedka Afrika, ayaa la aaminsanyahay in uu cudur-sidaha dilaaga ah ee Ebola keena uu ka qaaday shimbirta Fiidmeerta loo yaqaanno oo ku noolayd god ku yaalla geed weyn jiriddii.

Sida ku cad baadhitaan cilmiya oo ay saynisyahanno ku tageen tuulaha Meliandou ee dalka Guinea, wiil yar oo lagu magacaabo Emile Ouamouno iyo carruur kale ayaa ku ciyaaray marna iskuba dayey in ay ugaadhsadaan Fiidmeero la aaminsan yahay in ay qabeen cudurka Ebola.

Koox cilmi-baadhayaal ah oo ka tirsan jaamacado waaweyn oo ku yaalla dalalka Jarmalka, Sweden, Ivory Cost, Canada iyo Ingiriiska ayaa safar cilmi baadhiseed qaatay Afar toddobaad oo ay bishii Abriil 2014ka ku tageen deegaankan waxa ay ku soo xaqiiqsadeen in Emile uu dhintay bishii Laba iyo Tobnaad 2013kii, muddo yar kadibna ay geeriyoodeen, walaashii iyo hooyadii, laakiin haddana aanay arrintaasi abuurin dareen indhaha dunida ku soo jeediya cudurka Ebola illaa laga soo gaadhay bishii Saddexaad 2014ka oo uu cudurku si baaxad leh ugu faafay dalalka Liberia, Sierra Leone, Nigeria, Mali, iyo Senegal, isla markaana uu gaadhay dalalka reer galbeedka oo ay ka mid yihiin Spain, Maraykanka iyo Ingiriiska. Natiijada ay khubaradani gaadheen oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay Joornaalka arrimaha caafimaadka ka faallooda ee EMBO Molecular Medicine waxa ay intaas ku dartay in muddo dheer la aaminsanaa in cudurka Ebola uu asal ahaan ka yimid nooc shimbirta fiidmeerta loo yaqaanno ka mid ah, taas oo u sii gudbisay xayawaanno ay ka mid yihin daanyeerka iyo deerada, kuwaas oo uu cudurka uga sii gudbay dadka deegaankaas oo cuna hilibka xayawaannadan.

Meliandou waa tuule yar oo ay ku yaallaan 31 guri oo keliyi, waxa aanay ku dhex taallaa keymaha jiqda ah ee dalka Guinea oo hoy u ah fiidmeer aad u tiro badan oo ku nool dhirta waaweyn oo uu guriga qoyska Emila aad ugu dhow yahay.

Dadka tuuladan ayaa u sheegay cilmi-baadhayaashan in carruurta tuulada ay caado u ahayd in ay si joogto ah ugu ciyaaraan godkan weyn ee geedka oo mar uu gubtay bishii saddexaad 2014ka ay shimbiro fiidmeer ah oo aad u badani ka duuleen qaarna dadka tuuluhu qabsadeen si ay u qashaan. Afar bilood kadib dhimashadii wiilkan yare e Emile, tuulahan waxaa lagu aasay 14 qof oo kale oo u dhintay Ebola, cudurkiina waxa uu bilaabay in uu si xawli ah dadka ugu dhex fido.

Tuulaha Meliandou waxa ay ku taallaa waddo is-goys ah oo u dhexaysa dalalka Guinea, Liberia iyo Sierra Leone taas oo cudurka u fududaysay in uu isaga gudbo saddexdan dal oo ah kuwa uu sida ugu ba’an u aafeeyey.

Cudurka Ebola waxa uu illaa hadda dilay dad tiradoodu ka badan tahay 7500 oo qof oo badankoodu u dhashay dalalka uu sida ba’an ugu faafay ee Guinea, Liberia iyo Sierrra Leone, in kasta oo uu hadda u muuqdo in uu hoos u dhacayna waxaa weli la aaminsan yahay in uu faafitaanka cudurku socdo.

Haayadda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in dadka ay diiwaangelisay ee cudurkani uu ku dhacay ay dhan yihiin 19’500 oo ruux, kuwaas oo boqolkiiba 70 ka mid ahi ay cudurka u dhinteen.