Cadarrada Urta Dhididka Tirtira Waxa Ay Sababaan Xanuunno U Badan Maqaarka Iyo Hab-Dhiska Neefsiga

28
2978

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Usteraaliya ayaa baadhis ay sameeyeen ku ogaaday in boqolkiiba 26 ka mid ah dadkii ka qayb qaatay tijaabada oo tiradoodu ahayd 1100, in ay xasaasiyad ku leeyihiin maaddooyin kiimikaad oo ku jira samayska tobannaan nooc oo ka mid ah cadarrada guryaha lagu nadiifiyo iyo kuwa dhididka tirtira.

Raadadka caafimaad darro ee illaa hadda la caddeeyey in ay udugyadan iyo qaar ka mid ah maaddooyinka wax lagu nadiifiyaa keenaan, waxaa ku jira, cudurrada maqaarka ku dhaca, xiiqda, iyo madax xanuunka daran ee dhan-jafka ah. Bare-sare Ann Steinmein oo ka mid ahayd xeeldheereyaasha cilmibaadhistan sameeyey, ayaa mar ay faallo ka bixisay waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Maaddooyinkan kiimikaad, in badan ayaa aynu isticmaalnaa laakiin waxwa ay dad badani mooggan yihiin in ay ku keenayso dhib caafimaad. Waxa aanay ku baraarugaan goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, oo ay ku dhacday xasaasiyadda ka dhalata kiimikadu”

Dadka ay cilmibaadhistu tijaabada ku samaysay ayaa la ogaaday in dadka isticmaala udugyada dhididka tirtira, kuwa guryaha urta fiican loogu sameeyo iyo kuwa wax lagu nadiifiyo, boqolkiiba 35 la mid ah lagu arkay in ay ku dhaceen cudurro la xidhiidha neefsiga. Halka boqolkiiba 15 ka mid ahna, la arkay in ay shaqooyinkoodii ku waayeen sababo la xidhiidha cadarro iyo udugyo la’ la yimi ama lagu isticmaalay goobahooda shaqo oo ay u adkaysan waayeen xasaasiyad ay ku leeyihiin awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here