Yuhuudda Oo Ku Doodaysa In Dhismaha Ahraamta Ay Faraaciinada Ka Caawiyeen Noole Samada Ka Yimi

45
3946

Qaahira (Geeska)- Talefishan laga leeyahay Israa’iil ayaa sii daayey warbixin uu ku doodayo in Israa’iil ay hayso marag caddaynaya in uu xidhiidh ka dhexeyn jiray Masaaridii hore ee xilligii Faraaciinada iyo noole ka yimi xiddigaha iyo meereyaasha dhulka ka baxsan. Caddaymaha ay warbixintu sheegtay oo ah su’aalo, jawaabta ka soo baxaysaa ay tahay in aanu bani’aadam caadi ahi dhisin buuraha Ahraamta, ayaa waxa ay ahaayeen:

Dhagaxa ku dhisan: Mid kasta oo ka mid ah buuraha Ahraamta loo yaqaannaa waxa uu dhismihiisu ka samaysan yahay Malaayiin dhagax oo mid kasta oo ka mid ah miisaankiisa lagu qiyaasay 400 oo kiiloogaraam. Arrintaas macnaheedu waa in dhagax kasta oo ka mid ah dhagaxaanta buurahan, ay qaadi karaan illaa 10 qof oo caadi ahi.

Warbixinta oo dooddeeda sii wadda ayaa tidhi, “Haddii si aynu arrintan muran u gelinno, aynu ku doodno in dadkii waqtigaasi ay ahaayeen dad quwad ahaan ka waaweyn bani’aadamka imika jira, waxaa imanaysa su’aal kale oo jawaab u baahan, taas oo ah sidee ayaa ay dadka sidaa u waaweyni u fadhiisan karayeen figta u sarraysa buurta ka midka ah Ahraamta, iyada oo weliba la ogyahay in figtaas u sarraysaa aad u dhuuban tahay oo aanu xitaa qof ku ku fadhiisan karin, haddii uu dadka caadiga ah ka weyn yahayna ay xaaladdu ka sii xagjirto.

Farsamada iyo calaamadaha koronto isticmaal: Warbixinta talefishanka Israa’iil waxaa lagu sheegay in farsamada iyo injineeriyadda ay ku dhisan yihiin ahraamtu ay tahay mid aad u kakan, oo hab-xisaabeed iyo aqoon injineernimo oo aad u heersarraysa u baahan, illaa maantana aanu dunida lagu haynin. Waxa ay is weydiisay in farsamada sidaas u sarraysa ee aan xitaa maanta jirin, ay suurtagal ahayd in aqoonteeda la hayey xilliga sidaas u fog ee ahraamta la dhisayey, oo xitaa aanay jirin aaladaha wax lagu xisaabiyo ee aasaasiga ahi.

Caddaynta labaad ee uu talefishankani soo qaatay ayaa ah qulqulka koronto ee ka muuqda sancayntii buurahan. Waxaa la arkay in buuraha ahraamta ay ku xardhan yihiin sawirgacmeedyada astaanta boqortooyo ee Faraaciinta oo ah xariiq u samaysan qaabka beedka oo gudaha ay kaga jiraan sawirgacmeedyo uu mid ka mid ahi yahay astaanta magaca boqorka (Fircoonka), waxa aana afka Ingiriisiga lagu yidhaahdaa ‘Cartouche’ waxa ay muuqaal ahaan leeyihiin humaagga la moodo dad faynuusyo iyo laambado laydh ah sida.

Waxa uu talefishanku is weydiiyey; “Ma dhici kartaa in berigaas ay Faraaciinadu haysatay tiknoolajiyad sidaas u horumarsan? Haddii ay jawaabtu, ‘Haa’ tahay oo ay haysteen, meeday imika. Maxaa se raadkeeda loo heli waayey?”

Sawirgacmeedyo diyaaradaha qummaatiga u kaca u eeg iyo qalab milateri: Daliilka saddexaad ee ay Yuhuuddu u daliishatay dooddooda ah in Faraaciinadii xidhiidh la’ lahayd noole meereyaal kale ka yimi, waa sawirgacmeeddada laga soo gaadhay ee u eeg diyaaradaha kuwa marawaxadda leh, iyo qalabyada ciidan ee aan xilligaas jirin, haddana sawirrada Faraaciinada ka muuqda. Waxaa qalabka ciidamada ka mid ah; Kaarayaal, Gujisyada badda hoos mara iyo diyaaradaha qummaatiga u kaca. Arrimahaas oo dhammaantood aan xilligaas jirin, ayaa ay is weydiintu tahay sida ay ku keeneen ama ku barteen sawirkooda, haddii aanay gacan ka helayn noole ka yimid mere kale oo lagu yaqaanno qalabkan.

Lacagtii Faraaciinada: Caddaynta afaraad ee ay warbixintu arrintan u soo qaadatay ayaa ah lacagta qaddiimiga ah ee laga helay hadhaadiga iyo ataarta Faraaciinadii oo ah lacag ay dusha sare kaga sawiran yihiin farshaxanno aad ugu eeg nooleyaal meereyaal kale ka yimi, oo tusaale ahaan ah, noole madaxiisu aad u yar yahay, luquntooduna inta dabiiciga ah ka dheertahay.

Akhnatoon: Talefishanka Israa’iiliga ah oo weli sii wada doodda uu xidhiidhka ugu samaynayo Faraaciinada iyo makhluuqyo uu sheegay in ay mere kale ka yimaaddeen, waxa kale oo uu ku soo qaatya in ay jiraan doodo taariikhi ah oo sheegayaba in Fircoonkii la odhan jiray Akhnaatoon aanu bani’aadam caadiya ahayn, balse uu ahaa noole ka yimid mere kale. Fircoon Akhnaatoon, oo ka mid ahaa qoyskii siddeed iyo tobnaad ee boqortooyadii Faraaciinada, talada Masarna hayey muddo 17 sano ah, oo muddadii uu xukunka hayey sameeyey isbedello waaweyn oo dhinaca arrimaha bulshada ah, isla markaana beddelay nidaamkii diiniga ahaa ee jiray, oo uu ilaahyadii badnaa ku soo ururiyey mid keliya, ayaa ay warbixintu ku sheegtay in isbedelladaas iyo xitaa qaarkoof in ay maskaxdiisu keentaa in ay ahaayeen wax ka baxsan awooddii caadiga ahayd iyo hab-fikirkii markaas jiray, sidaas awgeed ay jirtay cid kale oo gacan siinaysay.

Waxa ay warbixintu sheegtay in qoraallo qaddiimi ah lagu arkay, xogo sheegaya in Akhnaatoon ay soo booqan jireen makhluuqaad samada ka soo dega, taas oo ah astaan muujinaysa in uu jiray xidhiidh ka dhexeeyey isaga iyo noole meere kale ka yimaadda.

Sixni duulaya: Waxaa marar badan taariikhda lagu xusaa suxuunta wareegta oo marar kala duwan dunida lagu arkay. mid ka mid ah qoraallada lagu arkay aataarta Faraaciinada ayaa sheegay sixni wareegaya hawada oo muddo inta la arkay haddana qarsoomay.

Sannadkii 1980-maadkii waxaa gobalka New Mexico ee dalka Maraykanka, walax lagu tilmaamay in uu ka mid yahay suxuunta wareega, waxa aana burburkiisa dushooda lagu arkay qoraallo ah kuwii faraaciinada. Warkan iyo warkaas hore marka la isu geeyo waxa uu talefishanku kala soo baxay in xidhiidh ka dhexeeyey Faraaciinadii iyo noole meere kale ka yimi oo ah ka isticmaalayey suxuunta xilligaas la arkay. Waxaa isla qoraalladan oo kale lagu arkay burburka suxuun kale oo ku dul buburtay Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here