“Cadaaladii Ijtimaaciga Ahayd Ayaan U Arkaa Inay Reer Awdal Tabayaan”

0
570

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel)  ayaa ka hadlay tabashada ay reer Awdal u soo gudbiyeen Madaxweynaha, waxaanu sheegay waxa ay  reer Awdal  tabayaan isla markaana ka cabanayaan ay tahay Cadaaladii ijtimaaciga ah,waxaanu tilmaamay inay wanaagsan tahay in cadaalad iyo sinaan la helo, oo Gobolada iyo Magaalooyinka dalka shaqada loo sinaado.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa  sidoo kale sheegay in balanqaadkii Xisbigooda Kulmiye wakhtigii ololaha ay badankooda fuliyeen, waxa hadhsana fulin doonaan.  “Arinta Awdal waxa aan u arkaa inay tahay in la tabanayo cadaaladii ijtimaaciga ahayd, oo ay tabashadoodu tahay, walibana markii aan arkay Profesaradii Jaamacada Camuud oo taageeraya Tabashada reer Awdal waxa aan u qaaday inay taageerayaan oo ay ka tabanayaan dhinaca shaqada”. Jaamac Shabeel oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi “Haddii ay arkayaan Wasiiradda ay A-da ku sheegeen ee ay leeyihiin shaqooyin ayey ahayaan Wasiirku inuu reerkiisa u go’o waa khalad, Wasiirku reerkiisa oo qudha Wasiir uma ah ee Somaliland oo dhan ayuu Wasiir u yahay, waxa se wacan in Umadda oo dhami sinaato oo cadaaladii ijtimaaciga ahaa la helo, Inanka Borama ka yimid, Inanka Berbera ka yimid, Inanka Burco ka yimid iyo Ka Hargeysa ka yimid waa inay helaan cadaalad isku mid ah, oo cadaalada ijtimaaciga ah loo sinaada”.

Jaamac  Shabeel mar uu ka hadlaayey balanqaadkii XIsbiga Kulmiye iyo waxa ka qabsoomay ayaa yidhi “Balanqaadyadii Xisbiga Kulmiye ee aanu balanqaadnay in aanu dadka ka qabanayno dadkana u qabnayno intoodii badnayd waanu qabanay, barnaamujkayga ayeyna ku jirtay in cadaalad isku mid ah la helo, Cadaaladuna maaha Maxkamadaha oo keliya, Cadaalada Maxkamadana waxa ka balaadhan Cadaalada dadka, waana mid loo wada baahan yahay”.

 Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee kulmiye oo ka hadlaya Suldaan Wabar ayaa yidhi   “Ninka Suldaanka ah ee xadkii ka talaabay, waxa aan u arkaa inuu Qaranimada Somaliland ka hor yimid, oo Buuraha galay, waxa uu sameeyey Suldaankaasina wax wacan maaha”. Jaamac Shabeel mar uu baaq u diraayey Xisbiyada Mucaaradka waxa uu yidhi  “Xisbiyada Mucaaradka ahi xaalada ka taagan Gobolka Awdal wey siyaasadaynayaan, si daacad ah ama si caadiya uga hadli mayaan ee siyaasad ahaan ayey uga hadlayaan, Xisbiyada Mucaaradkuna maaha inay meel walba siyaasad ka raadiyaan, ee waxa haboon in aanay wax walba aanay mucaaradin”