Muuse Biixi Oo Ka Digay Halista Ka Soo Socota Dhallinyaro Gangs Ah Oo Habeenkii Bulshada Ku Dhibaateeya Magaalooyinka

0
439

Picture4Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Muj:Muuse Biixi Cabdi, ayaa walaac xoogan ka muujiyey dhalinyaro kooxo ah oo habeenkii magaalooyinka waaweyn ee dalka ka sameeya dhaqamo ugub ku ah bulshada Somaliland, waxaana uu sheegay in arrintaasi ay u baahan tahay sidii wada tashi qaran looga yeelan lahaa ka hor inta aanay sii fidin.

Muj:Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey munaasibad loo sameeyay wershada korontada Hargeysa oo ganacsato gaar ah lagu wareejiyay, waxaana uu ugu horeyn uu faah faahin ka bixinayaa dhalinyarada kooxaha ah iyo dhibaatooyinka ay sameynayeen muddooyinkii danbe.  “Baryahan waxaa soo baxay oo inaguna soo fool-leh dhibaatooyin u baahan in mujtamaca oo dhani ka wada hawl galo.magaalooyinkeena oo dhan waxaa ka abuurmay wax la yidhaahdo dhalin yaro gaangis (gangs) ah,dhalinyaro xoog leh oo fara badan oo dhinaca qaloocan u dhaqaaqday baa jirta. Waa arrin aynaan dhaqan u  lahayn oo aan ab iyo aabo toona Soomaali iyo Muslim-toona u lahayn oo kufsi wadareed ka mid yahay oo maanta xaafad walba iyo gidaar walba ka taagan,waxaanu arkaynaa,magaalooyinka oo dhan inaanu Odaygii  telefoonkiisa habeenkii la carraabi karayn oo laga yaabo inuu Inankiisii ka amaan waayo,waxaa dhacday Hargeysa in ninka la yidhaa Dr:Cali oo ah ninka dhakhtarka Shifo sameeyay oo ah Master qalliinka ah, in isagoo Masaajid ka baxay in ciyaal is shiidaya madaxa ku dhufteen oo lafta ku jabiyeen. todobaadkan ayay arrintaasi dhacday iyo waliba Boqolaal la mid ah” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in arrintaasi la dhayalsaday, waxaana uu tibaaxay in dhibaatada ay dhalinyaradaasi sameeyaan ay tahay aafo soo korodhay isla mar ahaantaana aan lagu eegin oo qudha ee ay bulshada qeybaheeda kala duwan iska kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa.

“Waxa weeye waa la dhayal saday arrintaas, Qaran ahaan waynu dhayal sanay oo waxa la yidhaa uun Boolisku ha qabteen, hawshaasi Hawl Boolis way ka wayn tahay, waa Aafo soo korodhay oo cid walba ka faa’iidaysan karto. Rag xoog ah, ismaamulay oo Is abaabulay oo sidii Hay’addaha u dhisan oo aan cidna u tudhayn baa soo kordhaya”

Ugu danbeyntiina guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Muj:Muuse Biixi Cabdi, waxaa uu ku baaqay in dhibaatada ay dhalinyartu samaynayaan ay u baahan tahay in talo qaran laga yeesho.

“Waxaynu u baahannahay arrintaas, Qaranku wadar ahaan, Goleyaal,Xukumad,Xisbiyo,Culimo iyo ganacsato inaynu talo qaran ka yeelano intayna arrintaasi halkaas dhaafin”Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.