Cadaalad Darro Lagula Kacay Gabadh La Kufsaday: Sheekh Xasan Ibraahim Maxamed

1
902

Ninka aanay daba gaabi daadihinayn

Ama aan dibitaati daaya lahayn

Ama aan Doolar wadan wax daafaca

Dameerka abgaalba wuu dili.

Waxa aan deggenahay Kililka Shanaad ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan daabiyad yar oo u dhow degmada Gaashaamo, waxaa dhacday in koox rag ahi ay muddo lix bilood ka hor ah kufsadeen inan. Muddadaas dheer marnaba arrinta inantaa uma aan iman Hargeysa, waayo dawladda ayaa shacbigeeda ka masuul ah, innamada iyo hablahaba, bilwiigiina arrintaas dawladdu sare ayaa ay u qaadday, oo joornaallada ayaa ay ku qortay, idaacadaha BBC-da, VOA-da iyo Raadyoow Hargeysana muddo laba toddobaad ku siman ayaa ay ka sii deynaysay dhacdadaas iyo waxa laga yeelay.

Nasiib darro, muddo hada laga joogo Laba Toddobaad ayaa xabsiga laga sii daayey intii ka hadhay wiilashii fal-dembiyeedka geystay oo hore qaar looga sii daayey. Waa arrin aan waafaqsanayn sharciga Islaamka iyo sharciga dawladda midna, waayo labaduba si cad ayaa ay u qeexayaan ciqaabta ay arrintaasi leedahay.

Waxaa intaas kaba sii xamaa war aan ka dhegeystay gabadh hadasha 28kii bishan sagaalaad 2013ka oo tidhi, dadka la sii daayey ma’aha dadkii wax kufsaday, mana ay sheegin haddaa cidda ay ahaayeen dadkii kufsiga ku kacay. Waa yaab ee haddaba su’aashu waxa ay tahay, “Dadka wax kufsaday haddii aanay kuwan ahayn cidda ay yihiinna aanay sheegin. Ma jinbaa haddaa?!! Waa foolxumo in ruux dumara oo weliba leh waxa aan u doodayaa xuquuqal Insaanka ay sidaa u hadasho.

Waxa aan leeyahay go’aanka lagu sii daayey wiilashaa dembiga geystay waa xad gudub cadaaladda ka fog. Haddii marka hore xukunku qaldanaa oo nimankaasi lixdaa bilood iska xidhnaayeen iyaga oo aan waxba kufsan waa cadaalad darro ku dhacday iyaga, haddii iyaga oo wax kufsaday lix bilood kadib la sii daayeyna waa cadaalad darro gabadhaa la dulmiyey ku dhacday, tu’ kasta oo ay tahayna waxa aan leeyahay ninka xaakinka ah ee xukunkaa riday, haddii arrintaas ay jaahilnimo kuu geysay, waxaa kuu wanaagsanaan lahayd in aad dib wax u barato, haddii aad badheedh u samaysayna adiga ayaa naftaada aakhiro iyo adduunba dhib u geystay.

Gabadha hadashay 28kii bishii Sagaalaad 2013ka waxaa hadalkeeda ka mid ahaa, 21kii nin ee wax kufsaday ee min 10 ka sano lagu xukumay, ambiil (Racfaan) baa ay ka qaateen xukunkaa xadhiga ah ee ku dhacay.

Haddaba dawladda iyo shacabkaba waxa aan su’aalayaa; marka dadkii wax kufsaday ee la xukumay ay xadhigii ka qaataan ambiil, weliba Ambiilkoodii taagan yahay, qaar aan xukunkii lagu ridinna faraha laga qaaday,soo arrinkaasi uma muuqanayo dhiirri gelin la dhiirri gelinayo oo la beeraayo kufsiga.

Wasaaradaha cadaaladda iyo arrimaha gudaha waxa aan leeyahay, idinka ayaa ka masuul ah shacbiga reer Somaliland, rag iyo dumar, mid yar iyo mid weynba. Waxa kale oo aan idiin sheegayaa shacbiga reer Somaliland, haddii uu joogo Lawyacaddo iyo haddii uu joogo Laas-Qoray sharciga waa in loo sinnaado. Waxa shacbiga ku dhacana idinka ayaa la idinka rabaa in aad wax ka qabataan, si sinnaan iyo caddaalad ahna u eegtaan. Haddii aanay taasi dhicinna waxa ka dambeeyaa waa xumaan.

Qisadani waxa i xasuusinaysaa Lixdankii oo nin la odhan jiray Curaagte Laangadhe, inta uu ka yaabay caddaalad darradii ka jirtay Xamar iyo sida aanu muwaadinka caadiga ah ee aanay cidi garab taagnayn xaqiisa u helayn waxa uu yidhi:

Ninka aanay daba gaabi daadihinayn

Ama aan dibitaati daaya lahayn

Ama aan Doolar wadan wax daafaca

Dameerka abgaalba wuu dili.

Haddaba waxa aan is weydiinayaa, Somaliland ma tii oo kale ayaa ay noqotay?!!

Sheekh Xasan Ibraahim Maxamed

Comments are closed.