Faysal Cali Waraabe Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Sababta Uu Salaanta Uga Qaadi Waayay Madaxweyne Siilaanyo Oo Ay Xaflad Ku Kulmeen

1
644

Picture6Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa markii ugu horaysay ka hadlay sababta uu uga qaadi waayay madaxweyne Axmed Siilaanyo, Salaantii uu la tiigsaday toddobaadkii hore.

Waxa uu sida oo kale gudoomiye Faysal Cali uu madaxweyne Axmed Siilaanyo ku eedeeyay in awoodiisii madaxweyne uu wareejiyay oo dad kale ay ku shaqaystaan,isla markaasna ay jilicday dawladnimadii Somaliland.

Sida oo kale waxa uu markii ugu horaysay si faah faahsan uga hadlay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ha ee UCID dilalka iyo kufsi wadareedyada  ku soo badanaaya caasimada dalka isaga oo talooyina soo jeediyay.

Waxa uu sidan ku sheegay gudoomiye Faysal Cali Waraabe waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika,waraysigaas oo ku bilaabmay sidan

Dhawaan xafladii jaamacada Hargeysa oo aad isugu timaadeen madaxweynaha oo warar badan laga qoray, waxa la sheegay inad salaanta ka qaadi wayday,maxaad madaxweynaha salaanta uga qaadi wayday?

Madaxweynuu hadduu na ixtiraami waayo anaguna ixtiraami mayno,waxaan ahay hoggaan siyaasadeed oo waxaan ahaa ninkii laba jeer la tartamay,waxaan ahay ninkaas siyaasiga ah ee dalka xaqa badan ku leh, hadduu na ixtiraami waayey anaguna ixtiraami mayno. Maaha madaxweyne dalkii gacanta ku haya ee waa saanbal layska sito awoodiisiina waa uu wareejiyay oo dad kale ayaa isticmaalaya,ixtiraamkuna waa inuu laba gees noqdaa maaha inuu dhan kaliyaata ka socdo,anagana sharaftaanu dalkan ku lahayn nama siiyo anaguna sharfi mayno.

Gudoomiye Faysal dilal iyo kufsi wadareedyo is xigxigay ayaa mudooyinkan ka dhacay Hargeysa oo caasimadii dalka ah, sidaad ka mucaarad ahaan u aragtaan arrimahan?

Dalku waa uu wada socdaa nidaamka dalku hadduu dabco oo kala danbayntii iyo awoodii dawladu ay jilicdo wax waliba way baylahayaan,waxaad arkaysaa dalkii oo hoggaankii meeshii ka leexday oo aanu madaxweynii hayn oo cid dadkii daba gasha oo laga habradaaba aanay jirin,madaxweynahii ayaan shaqaynayn oo aad arkaysaa in hawlahiisii dad kale wataan markaas dadku waa uu siman yahay oo qof qof ka baqayaa ma jiro.halkaasna waxaad ka arkaysaa in booliskiina nidaam daro ku dhacday oo dadka meesha madaxda ahna waxa darajadii lagu siiyay uun meeshay haystaan oo dad cilmigii iyo aqoontii boolisnimo leh maaha.

Hargeysi way badatay oo haddana saldhigyadii boolisku may badan,waxaana taas raacay dadkii oo niyad jabay haddii qofka rajadu ka dhamaatana wax uu xeerinayaa ma jirto taas oo keenaysa in dhalinyardii tahriibto,inay budhcad noqoto oo ay odayaashii ka boobaan Mobaylada ,waxay keenaysaa kufsigan hablaha oo ah waxaan hore sidan inoogu soo mari jirin,waxay keenaysaa in iyagii ay isdilaan oo ay budhcad noqdaan waana arin ku xidhan marka ay dadku rajo beelaan,shabigiina rajadiibaa ka xumaatay markii dawlad xumaantii la arkay.

Dawladu hadda nidaamkii way ka tagtay oo nabad galayada ilaalin maysee mucaaradka ayay la dagaalamaysaa oo lacagtii borobagaandho ayay ku bixinysaa si ay dadka uga qariso xumaanta ay socota,hadda waxay marayaan wasiir hebel baa yidhi habel ii xidh,imika inan Sheekh Ismaaciil la yidhaahdo ayaa xidhan oo la yidhi markii booliska loo tagay wasiirbaa yidhi noo xidh,markaa waxa meesha ka baxay nidaamkii dawladnimo iyo sharcigii,haddaan laga tashan mustaqbalkeenii ayaa halis ku jira,falkaasna waanu canbaaraynaynaa.

Maxaad laamaha amaanka u soo jeedinaysaa  hadda inay qabtaan?

Waxaan soo jeedinayaa In boolsika tababar fiican la siiyo,in mushahar fiican la siiyo si uu shaqadiisa uga adkaado dhiiri galina ay ugu noqoto, in saaxiib laga dhigo isaga iyo shacabka si ay shacabku ula shaqeeyaan,in la badiyo saldhigyada booliska maadaama oo ay magaaladii fiday,oo aan booliskana darajada qabiil lagu siin ee lagu siiyo xirfadiisa shaqo.

Comments are closed.