Cabsi Uu Ka Qabo Coronavirus Awgii Ayaa Ay 100 Kiiloogaraam Ku Kordheen Miisaankiisa

0
577

Zhou waa wiil 26 sano jir ah oo ku nool magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, oo ah xoolkii uu dabayaaqadii sannadkii hore ku dhashay Fayraska adduunka dhibaateeyey ee Coronavirus. Cabsi uu ka qabo Fayraskan awgeed ayaa uu Zhou muddo shan bilood ah gurigiisa isku karantiimeeyey, isaga oo aan mar keliya ka soo bixin. Nasiibdarro guri fadhigaas bilaha badan ah iyo cuntada uu cunayey ayaa sabab u noqday in miisaankiisa oo marka horeba sarreeyey uu boqol kiiloogaraam sii kordho.

Laba toddobaad ka hor ayaa qoyska Zhou ay masuuliyiinta caafimaadka ee dawladda la xidhiidheen, si ay ugu wargeliyaan xaaladdiisa sii xumaanaysa. Koox hawlwadeenno caafimaad ah ayaa loo soo diray oo qasab guriga kaga saaray, waxaana hadda xaalkiisa lagula tacaalayaa cisbitaalka Zhongnan oo ay leedahay jaamaadda Wuhan.

Zhou waxa uu hore uga shaqayn rug ganasi oo internet ka laga isticmaalo oo ku taalla magaalada Wuhan, hore miisaankiisu waxa uu u ahaa 180 Kiiloogaraam, dhererkiisuna 170 Sentimitir. Guri jooggii badnaa iyo warwarkii uu Coronavirus ka ka qabay oo sababay in uu cunto badan cuno ayaa sababay in miisaankiisu shan bilood gudahood noqdo 280 kiiloogaraam. Maanta Zhou waa qofka ugu miisaanka weyn magaalada Wuhan, mana awoodo in uu iskii u kaco ama u dhaqaaqo. Waxaa u dheer xaaladdiisa caafimaad ee nafsiga ah oo aan aad u fiicnayn.

Dhakhtar ka tirsan cisbitaalka la geeyey ayaa sheegay in qoysku uu la soo xidhiidhay kaddib markii uu Zhou muddo 48 saacadood ah seexan waayey, xaaladdiisa caafimaadna aad u xumaatay, oo xitaa hadalkii uu ku adkaaday. Isaga oo intaas k udaray in 4 dhakhtar iyo 60 sarkaal oo ciidamada ammaanka ka tirsani ay geeyeen cisbitaalka, waxaana baadhis lagu sameeyey xaaladda wadnihiisa, iyo sababta ku keenaysa neefsiga oo ku adkaa muddo 9 maalmood ah.

Waxa ay hadda dhakhaatiirtu isu diyaarinayaan in Zhou ay u bilaabaan qalniino miisaankiisa lagu dhimayo, laakiin qalniinka ka hor waa in 25 kiiloogaraam miisaankiisa laga dhimo.

Dhakhaatiirta xaaladda Zhou gacanta ku haysa ayaa sheegaysa in guri joogga badani uu sababo in qofku uu cunto badan cuno, waxa aanay ku taliyeen in qofka guriga ku negaanayaa uu biyo badan cabbo si aanu cunto badan u qaadan. Isla markaana ku dadaalo cunista cuntooyinka hodanka ku ah Barootiinnada iyo galka / ganka, sida faasuuliyaha iyo beedka. Sida oo kale waa lama huraan in qofku uu sameeyo jimicsi xitaa haddii uu yahay mid fudud.