Madaxweyne Biixi Oo Badhasaab Cusub U Magacaabay Gobolka Togdheer

0
761

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Badhasaab cusub u Magacaabay Gobolka Togdheer, ka dib markii uu dhawaan Geeriyooday Badhasaabkii hore Xamse Maxamed Cabdi.

Madaxweynaha ayaa badhasaabka cusub ee Gobolka Togdheer u Magacaabay Maxamed Diiriye Xayd Nuur oo hore uga mid ahaa Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland.

Wareegtada Madaxweynaha oo soo gaadhay Wargeyska Afrika ayaa qornayd sidan:-

WAREEGTO MADAXWEYNE: 22 /06/2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-521/062020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Maxamed Diiriye Xayd Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.”

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.